Daawo: Madaxweynaha oo ka hadlay qaraxyadii maanta, mar kalena canaantay ganacsatada

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu horeyn ka tacsiyeeyey geerida muwaadiniinta Soomaaliyeed ee birmo-geydada ah ee maanta argagixisada Alshabaab ay ku xasuuqeen isgoyska Soobe ee magaalada Muqdisho.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay in culimada Soomaaliyeed iyo Wasaaradaha Awqaafta iyo Diinta, heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed ay 5-tii cisho ee la soo dhaafay si wadajir ah uga doodayeen hannaanka la dagaallanka fikirka xagjirnimada ah.

Madaxweynaha ayaa sheegay in taasi ay ka tarjumayso dhibaatada iyo xanuunka Al-Shabaab ay u geysteen dadkeenna Soomaaliyeed iyo been abuurka ay ku sameeyeen diinteenna suubban.

“Maalinba maalinta ka danbaysa waxaa sii caddaanaysa arxan-darrada iyo cadaawadda khawaarijta Alshabaab ay u hayaan qof kasta oo Soomaaliyeed. Qaraxa, dilka, xabadda la riday, ceelka la gubay, Masaajidka la dumiyey, maatada la gumaaday, dhammaan lacagta aad bixisaa qeyb ka ah ogoow, qofkii Alshabaab lacag siiyoow,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha ayaa xusay ahmiyadda ay leedahay in culimada Soomaaliyeed ay si cad ugu oogeen xujada khawaaarijta Alshabaab, taas oo daaha ka rogtay qiil kasta oo ay ku hoos gaban jireen, kagana been abuuran jireen diinteenna suubban ee Islaamka.

“Maanta ma jiro hal qof oo shaki uu kaga jiro qorshaha rasmiga ah ee argagixisada Alshabaab in uu yahay xasuuqa iyo gumaadka dadkeenna, goob kasta iyo goor kasta, laakiin taasi uma hirgaleyso, idam Alle, dalkana waan ka sifaynaynaa” ayuu yiri.

Madaxweynaha ayaa Alle uga baryey dhammaan muwaadiniinta ku shahiiday qaraxyada argagixisanimo ee kooxdan khawaarijta ahi kula beegsadeen Soobe in uu fadhigooda ka yeello Jannatul Firdowsa, inta dhaawacyada ahna uu siiyo caafimaad degdeg ah.

Hoos ka daawo