Khasaaraha qaraxyadii Zoobe oo sii kordhaya iyo wararkii ugu dambeeyey

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa isoo taraya khasaaraha ka dhashay qaraxyadii maanta ka dhacay isgoyska Zoobe ee magaalada Muqdisho, ilaa hadda isku dar tirada dadka geeriyooday ayaa lagu qiyaasayaa 50 qof, in kastoo dadka loola kala cararay xarumaha caafimaadka ee magaalada oo aad u badan.

Dowladda Soomaaliya, ilaa hadda sooma bandhigin tira koob rasmi oo ku saabsan khasaaraha ka dhashay qaraxyadii maanta, balse warbaahinta ayaa heleysa xog aad u kooban oo ka imaaneysa goobaha caafimaadka.

Wakaaladda wararka ee AP oo soo xiganeysa qof ka mid ah shaqaalaha caafimaadka ee isbitaalka Madiina ayaa werisay, meydadka in ka badan 30 qof in la geeyey isbitaalkaas, sidoo kale tarada dhaawacyada ee la geeyey Madiina ayaa intaas ka badan.

Isbitaalada Digfeer iyo Somali-Sudaneys ayaa sidoo kale la geeyey meydad iyo dhaawacyo aad u badan oo cid tira koob rasmi ah ku sameysay aysan jirin.

Isbitaallada kale ee ku yaalla wadada weyn ee Maka Al-mukarama, sida Al-Caasima ayaa sidoo kale la dhigay meydadka iyo dhaawacyada tobanaan dad ah.

Carruur, haween iyo dhalinyaro wax baratay ayaa u badan dadka ku waxyeeloobay qaraxyadaan oo ka dhacay isgoyska Zoobe, xilli uu maanta aad mashquul u ahaa.

Tobanaan gaadiid ah oo Bajaaj u badan iyo goobihii ganacsiyada ee aaggaas ku yaallay ayaa burburay, halka dadkii ay noqdeen wax dhintay iyo wax ku dhaawacmay qaraxyada.

Kooxda Al-Shabaab oo sheegatay masuuliyada qaraxyadaas ayaa ku andacootay inay weerartay wasaaradda waxbarashada Soomaaliya, waxayna kooxdu ku faantay inay dishay dad gaaraya 24 qof.

Labada qarax oo ka dhacay banaanka hore ee wasaaradda waxbarashada ayaa loo adeegsaday gaadiid ay wadeen kuwo naftooda haligay, mid walba wuxuu geystay khasaare baaxad leh, waxayna kooxdu bartilmaameedkeeda ku sheegtay xarunta wasaaradda.