DAAWO: Booliska oo shaaca ka qaaday sababta Muudey loogu celiyey garoonka

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka ciidamada booliska Soomaaliya, Cabdifitaax Aadan Xasan oo la hadlay warbaahinta ayaa faah faahin ka bixiyey is hortaaggii shalay lagu sameeyey guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka, Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo loo diiday inuu ka baxo garoonka Aadan Cadde, xilli uu ku sii jeeday magaallo xeebeedka Baraawe.

Cabdifitaax Aadan ayaa sababta ku sheegay in guddoomiyuhu watay ciidamo fara badan iyo hub, taasina ay keentay in laga hor istaago inuu ciidamadaas kala baxo garoonka.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in isaga aan si gaar ah loo bartilmaameedsan, balse ujeedka uu ahaa arrimo la xiriira amniga doorashada.

Afhayeenka ayaa xusay in amniga Baraawe uu sugan yahay, isla-markaana musharixiinta tegaya kaliya loo ogol yahay ilaalo gareyso 4 ama 5 nin, sida uu hadalka u dhigay.

“Ma jirto sabab keeni karta in ciidan badan loo qaato magaaladaas, Garoonka Aadan Cadde waxaa lagu baraaruqay ciidan hub badan wata oo rabo in ay diyaarad raacaan lana ogaaday in ay Baraawe tagayaan balse Muudey waxaa lagu wargeliyay in keliya loo ogol yahay 5 askari oo waardiye ah” ayuu yiri Cabdifitaax.

Dhammaan musharixiinta ayuu ugu baaqay inay ilaaliyaan xasiloonida amniga, maadaama lagu jiro doorasho, iyaguna ay mas’uul ka yihiin nabad-gelyada guud ee doorashooyinka.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, ayada oo shalay garoonka Aadan Cadde lagu celiyey guddoomiye Muudey oo kusii socda magaalada Baraawe oo deegaan doorashadiisu tahay, si uu markale ugu tartamo kursiga uu ku fadhiyo oo ay sumadiisu tahay HOP#145.

Si kastaba, Cabdiweli Sheekh Ibraahim Muudey oo dhacdada, kadib shir jaraa’id u qabtay wariyeyaasha ayaa eedeyn u jeediyey Koonfur Galbeed iyo mas’uuliyiin ka tirsan dowladda, wuxuuna sheegay in la boobayo kursigiisa, isaga oo shaaciyey in loo rabo qof gaar ah.