Cali Yare Cali oo laga celiyey garoonka Aadan Cadde iyo cidda ka dambeysay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka dhanka Amniga ee Gobolka Banaadir Cali Yare Cali ayaa maanta laga celiyey Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Cali Yare iyo ciidan uu watay oo ku wajahnaa Magaalada Guriceel si uu Magaaladaas uga sameeyo olole la xiriira dhanka kursiga HOPP#147 ayaa loo diiday inuu Garoonka ka dhoofo.

Ciidamada Nabad-Sugidda ee Garoonka Aadan Cadde ayaa u diiday inuu ka dhoofo Garoonka, waxaana ugu dambeyntii baaqday safarkiisa oo si weyn looga diyaar garoobay magaalada Guriceel ee Gobolka Galgaduud.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, madaxweynaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa ka dambeeyey go’aanka Cali Yare loogu diiday inuu ugu safro magaalada Guriceel.

Madaxweyne Qoor Qoor oo raba inuu kursiga HOPP#147 siiyo Mahad Salaad ayaa kooxda Farmaajo ka codsaday in la celiyo Cali Yare, isagoo ku andacooday inuu wato ciidamo badan, islamarkaana ay suuragal tahay inuu qalqal geliyo doorashada ka dhici rabta magaalada Dhuusamareeb.

Cali Yare oo la hadlay Idaacadda Mustaqbal ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay inuu baaqday safar uu ku tagi lahaa magaalada Guriceel, balse ma uusan faahfaahin sababta keentay baaqshadiisa.

Todobaadkaan ayaa la filayaa in doorashada Kursigaan ay ka dhacdo magaalada Dhuusamareeb, waxaana madaxweynaha Galmudug ka go’an inuu kursigaan kusoo baxo Mahad Salaad oo Afartii Sano ee lasoo dhaafay  ku fadhiyey.

Cali Yare oo taagero iyo guulwade u ahaa madaxweyne Farmaajo ayaa hadda u muuqda inuu waayey kursiga HOPP#147, waxaana muuqata in kooxda Nabad iyo Nolol ay garabkiisa ka baxeyn xilli uu aad ugu baahnaa.