Daawo: Booliska oo war yaab leh kasoo saaray muuqaalkii argagaxa lahaa ee toogashada wiilka

Muqdisho (Caasimada Online) – Afhayeenka Booliska Soomaaliya Sadiiq Doodishe oo warbaahinta la hadlay ayaa faahfaahin ka bixiyey muuqaal argagax lahaa oo saacadihii lasoo dhaafay aad ugu faafay baraha bulshada.

Muuqaalkaas ayaa muujinayey nin hubeysan oo toos u tooganaya wiil aad u dhalinyar, balse boolisku wuxuu sheegay in wiilkaas aan xabadda lagu dhufan ee kooxdaas ay Filim jilayeen.

“Waxaa gacanta lagu hayaa eedeysane muuqaalkiisa baraha bulshada lagu arkay asagoo xabad ku ridaya wiil yar, baaritan ayaana ku socda,” ayuu yiri afhayeenka booliska Soomaaliya.

Muuqaalkaas ayaa degmada Dharkenley lagu duubay laba maalin ka hor 8-dii September, waxaana loo soo qabtay Axmed Xasan Cilmi, sida uu sheegay afhayeenku kaas oo hadda u xiran booliska.

“Sida aad baraha bulshada ka aragteen eedeysanaya ayaa uleynaya wiil yar oo saqiir ah, sidoo kale xabad ayuu ku ridayaa, laakiin waa filim lasoo jarjaray, falkaas oo qalad ah, waxaan u gudbi doonaa maxkamadaha dalka,” ayuu yiri.

Sadiiq Doodishe sidoo kale wuxuu cadeeyey in xabada aan lagu dhufan wiilkaas, sida lagu ogaaday baaritaanka hordhaca ah, “Waxaan balan qaadeynaa cadaaladda aan horgey doono ninkaas, maxkamadda ayaa kala cadey doonta inuu dembi galay iyo in kale, laakiin waxaan cadeynayaa in muuqaalka aad aragteen lasoo jarjaray oo sidaas aysan waxaba u dhicin,” ayuu yiri Afhayeenku.

Dhinaca kale afhayeenka ayaa sheegay in lasoo qabtay mid ka mid ah seddax qof oo loo heysto dilka Sahro Cabdullahi Cali Xasan oo 19-kii Agoosto lagu dilay xaafada Shiirkole ee degmada Hodan.

Haweeneydaas waxaa loo dilay is-qabqabsi dhul oo kala dhaxeeyey seddaxda qof ee dilkeeda loo heysto, sidoo kale waxaan weli lasoo qaban oo lagu raad joogaa labadii kale, sida uu sheegay afhayeenku.

Hoos ka daawo

https://www.youtube.com/watch?v=FXqoym4QtFs

Hoos ka daawo muuqaalka dhacdada