Daawo: Boorsaani oo Jawaab kulul ka bixiyay qoraal kasoo baxay Eng. Yariisow

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir ahaana Duqii Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale (Boorsaani), ayaa ka hadlay warqadii 30-kii January 2018 ka soo baxday xafiiska Guddoomiye Yariisow.

Boorsaani, ayaa sheegay in Warqadaasi ay ku saabsaneyd hakinta dhismaha dhulka Biyaaso Liibaro ‘’Barxadda Ceelgaabta’’ ee degmada Xamar Jajab.

Boorsaani, waxa uu sheegay in Guddoomiyaha Gobolka Benaadir Yarisow uu tilmaamay in dhulkaas uu bixiyay mudadii uu hayay xilka Boorsaani.

Boorsaani, oo wareysi kooban siinaayay Telefeshinka  Universal ayaa sheegay inuusan dhulkaas bixin, balse shirkadda ECCO oo uu sheegay in xilligaasi ay Nadaafadda kala shaqeyneysay ugu tala galeen in qashinka halkaasi dhigtaan, kadibna ka qaataan.

Boorsaani waxa uu sheegay in hadalka Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Yariisow uu yahay mid been ah isla markaana lagu fududaayay.

Wuxuu sheegay warqada Gudoomiyihii Xamar Jajab ee la soo xiganayay in ay ka dambeysay midiisa, xilligaasina uusan xilka isaga heyn, taas bedelkeeda ayuu sheegay in dhulkaasi uu bixiyay Maamulkii isaga ka dambeeyay ee uu hoggaaminayay Thaabit Cabdi Maxamed.

HOOS KA DAAWO WAREYSIGA UU BOORSAANI UGA JAWAABAYO HALKA YARIISOW

https://www.youtube.com/watch?v=yVxEeL6-COs