Dhageyso: Cosoble oo Jawaab cad ka bixiyay hadalka Sambaloolshe ee doorashada Jowhar

Muqdisho (Caasimada Online)-Hogaamiyihii hore ee Maamulka Hirshabelle Cali C/laahi Cosoble, ayaa si kulul uga hadlay eedeyn uu Taliyihii hore ee NISA, C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe), u jeediyay DFS.

Cosoble, oo u waramaayay Idaacada SMN ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in marka hore uu u Hambalyeynaayo Xildhibaanka kaga codka batay doorashada ee calfaday kursiga.

Cosoble, waxa uu sheegay in doorashada ay u dhacday si wanaagsan isla markaana Guddiga Madaxabanaan ee Doorashooyinka ay kasoo dhalaaleen mas’uuliyada ka saarneyd doorashada.

Waxa uu beeniyay in dalkii kasoo yeeray Sambaloolshe ee ahaa in Dowladda Somalia ay faragelin ku samaysay doorashadaasi, waxa uuna tilmaamay intaa bedelkeeda uu rumeysan yahay in dowlada ay banaan jog ka aheyd howlaha Doorashada.

Waxa uu tilmaamay in eeda Sambaloolshe ay u dhiganto ‘’Nin daadqaaday xumbo cuskay’’ oo uu ula jeedo inuu sameysanaayo marmarsiyooyin.

HOOS KA DHAGEYSO CODKA UU COSOBLE KU BEENIYAY HADALKA SAMBALOOLSHE