Xasan Sheekh oo loo diiday Fiiso dal ku gal loogu dhajin lahaa baasaboorka

Muqdisho (Caasimada Online)-War goordhow aan helnay ayaa sheegaya in dowlada Sweden ay diiday in Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud ay Fiisaha dal ku galka ah ugu shabadeyso baasaboorkiisa diplumaasiga ah.

Madaxweynihii hore Xasan Sheekh oo kusii jeeday dalka Sweden ayaa waxa dib u dhacay socdaalkiisa sababo la xiriira Fiisaha oo la diiday in lagu shabadeeyo baasaboorka, sida laga soo xigtay ilo ku dhow dhow.

Madaxweynihii hore ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa diidmada Fiisaha kala kulmay Safaarada ay dowlada Sweden ku leedahay dalka Tanxania, kadib markii uu Safiirka ka meermeeray in Fiisaha Xasan Sheekh loogu shabadeeyo baasaboorka.

Diidmada Fiisaha dal ku galka ee Xasan Sheekh ayaa la sheegay in sabab looga dhigay baasaboorka diplumaasiga Somalia oo aysan aqoonsaneen dowlada Sweden.

Xasan Sheekh ayaa ku adkeysanaya in baasaboorkiisa lagu dhifto Fiisaha dalka ku galka,halka Safiirkuna uu ka hor imaaday inuu baalmaro sharciga dalkiisa.

Safiirka ayaa Madaxweynihii hore Xasan Sheekh u ogolaaday keliya inuu ka caawin karo siismada waraaq dal ku gal ah oo uu kaga maarmikaro Fiisaha lagu dhajinaayo baasaboorka.

Qorshaha socdaalka Xasan Sheekh ee Sweden ayaa ahaa in halkaa uu uga qeybgalo shir ay ku casuuntay Hey’adda Caalamiga ee Olof Palmes oo ah urur aan dowli aheyn oo ku xiran Xisbiga Shaqaalaha Sweden.

Dhinaca kale, Xasan Sheekh ayaa waxaa socdaalka ku wehlinaaya Xildhibaano ka tirsan Xisbigiisa Siyaasada xubnana ka ah labada Aqal ee dalka.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com