Diyaarad joog hoose ku soctay oo ku dhacday Gobolka Shabellaha Hoose

Muqdisho (Caasimada Online)-Wararka naga soo gaaraya Gobolka Shabeellaha Hoose, ayaa sheegay in halkaa ay kusoo dhacday Diyaarad nooca yaryar ee qaada Xamuulka.

Diyaaradan ayaa lasoo sheegayaa inay ku duldhacday deegaan duleedka ka ah Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeellaha Hoose.

Diyaaradan dhacday ayaa la sheegay inay sababsatay Xamuul ka tan badan oo ay waday, waxa ayna ku dhacday duleedka Wanlaweyn.

Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose, ayaa sheegay in dad xoolaaleey ah ay kusoo wargaliyeen burburka Diyaarada, sidaana ay ku wajaheen.

C/fitaax Xaaji Cabdulle, oo kamid ah maamulka ayaa tilmaamay in Diyaarada ay waday culeys aad u badan, sidaa aawgeedna ay ku duuli weyday xadkii loogu talo galay.

Sidoo kale, waxa uu sheegay in diyaaradaasi dhacday maalin ka hor ay jog hoose ku dul heehaabeysay inta u dhaxeyso Degmada Wanlaweyn iyo Degaanka Warmaxan ee Gobolka Shabeellaha Hoose, ugu danbeyntiina ay dhacday.

Dhinaca kale, waxa uu sheegay inay wadaan baaritaanka diyaarada dhacday, waxa uuna cadeeyay in macluumaadka diyaarada ay la wadaagayaan Saraakiisha Ciidamada dowlada iyo kuwa Mareykanka, ee ku sugan Garoonka Balli-doogle.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com