Somaliland oo ka hadashay suuragalnimada in Saldhiga Imaaraadka ee Berbera laga fuliyo weeraro

Hargeysa (Caasimada Online)-Maamulka Somaliland ayaa ka hadlay wararka sheegaya in dowlada Imaaraadka carabta ay dooneyso inay dhibaato ka fuliso Saldhigeeda Barbara ee Somaliland.

Maamulka ayaa sheegay inaanu ka raali noqon doonin in dowlada Imaaraadka carabta ay duulaan waliba ka qaado Saldhiga Millitari ee Berbera.

Sacad Cali Shire, oo ah Wasiirka Arrimaha Dibbada maamulka Somaliland ayaa sheegay in heshiiska Berbera uusan aheyn in Saldhiga laga weeraro dowladaha deriska la’a ah Sida Djibouti, Ethiopia iyo Wadamada kale.

Wasiirka Arrimaha Dibbada Somaliland, waxa uu sheegay in Saldhiga laga sameynkaro keliya duqeymaha iyo duulaanka dhinacyada ku lugta leh Argagixisada, iyadoo wixii intaa ka baxsan lagula xisaabtami doono Imaaraadka, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale, Wasiir Sacad Cali Shire, ayaa dowlada Imaaraadka carabta ugu baaqay inaanu colaad u abuurin maamulka oo uu sheegay inay kala dhigteen Heshiis mideysan.

Geesta kale, Wasiirka Arrimaha Dibbada Somaliland Sacad Cali Shire, ayaa shacabka ku nool magaalada Berbera ugu baaqay inay is dajiyaan.

Caasimada Online

Xafiiska Hargeysa

Caasimada@live.com