Canshuur kordhin aan adeeg kordhin waddan (wasiir Bayle iyo dadka reer Muqdisho)

Cabdiraxmaan Bayle wasiirka maaliyadda ee Dowladda Somalia wuxuu wali wadaa inuu kordhiyo canshuurta lagga qaaddo dadka ku nool hal-magaalo (Muqdisho), horta immisa magaallo ayuu wasiir u yahay ?.

Dadka caasimadda ku nool in cashuur laggu kordhiyo ma diidana laakiin midii hore loogga qaadi jiray wax ma loogu qabtaa?, lacagta Muqdisho kasoo xaroota 15% ayaa laggu celiyaa magaaladda inta kale yaa qaata ?.

Hadda Hotel-adda Muqdisho waxaa loo qeybiyay wargelin sheegeysa in qofkii ay 1$ koob shaah uga iibiyaan iney ku dalacaan $0.05 oo canshuur ah , 2 jeer intii Farmajo madaxweynaha ahaa waxaa la kordhiyay lacagaha lagga qaado dadka alaabta ugga soo dagto Dekadda Muqdisho ,sidoo kale haweenka ka ganacsadda Dahabka Jajabka ah ee reer Muqdisho canshuur xad dhaaf ah ayaa la saaray 3 bilood ka hor, ma xumma in Dowladdu ay canshuur qaaddo iyo iney kordhiso laakiin madaama go’aankan uu hal magaalo saameynaayo maxey ka faa’iidayaan dadka magaaladaas ku nool ?.

Hadii waddo 200m ah lagga dhisaayo Muqdisho waxey Dowladdu kaalmo ka rabtaa caalamka, hadii qashin jid lagga qaadayo caalamkey garab ka rabtaa, amniga beesha caalamka lacag ku bixisa, caafimaad lacag la’aan ah ma jiro, waxbarasho ,koranto iyo biyo nadiif ah midna lagama hayo Dowladda, hadanna wasiir Beyle labbo bilood kadiba lacag cusub ayuu ku dalacaa dadka reer Muqdisho.

Horta wasiir maxaa u hor taagan tahay in Muqdisho wixii kasoo xarooda lagga siiyo 25% meesha ay hadda ka qaadato 15%, oo hadii ay taasi kuggu adag tahay ma kari weysay inaadan lacag dambe ku kordhin dadkeedda, bal hadda midaan cusub ee aad soo kordhisay maxaa adeeg ah oo ay caasimaddu ka heli doontaa? , waa lacag kordhin aan la sheegi karin waxa ay ka faa’iidi doonaan dadka laggu kordhiyay.

Muqdisho waa magaalo dilan, waxaa illa quman madaama hal magaallo wax laggu kordhinaayo mar walba in Dowladdu ay ku dadaasho in dadku ay magaaladda ka dareemaan lacagta lagga qaaddo in wax looggu qabtay.

Wasiir Bayle wuxuu dhowaan sheegay in daqliga Dowladda uu 80% kasoo xarooddo Muqdisho, waxa ay dad badani aaminsan yihiin in hadii magaaladda Muqdisho laggu celiyo 50% waxa kasoo xaroodda iney wax badan iska badali doonna heerka ay maanta joogto.

Waxaa Qoray: Cabdulaahi Cismaan Faarax
raafac22@gmail.com