Qaar ka mid ah Caruurtii Marxuum Zoope oo sheegey in Maxkamada Sare ay Duudsiisey Dhaxalkii Aabahood

Muqdisho (Caasimadda Online) – Tan iyo markii ay Dhacdey Dowladii Dhexe  waxaa aad u soo badaneyey Is qabqabsi Dhaxalka Guryaha, hantida  ama Dhulalka , waxaana Maxkamadaha Dalka ku soo badanaya Dacwooyinka l axiriira Dhaxalka ay isku qabsadaan  Dadka leh Dhaxlkaas iyadoo Maxkamaduhu Ridaan Xukuno iska soo horjeeda oo is burinaya

Iyadoo taasi Jirto ayaa waxa Is qab qabsi Dhinaca Dhulalka iyo hantida ee uu ka tagey Cabduqaadir Maxamed Aadan Zoope isku haysta Caruurtii uu  dhaley oo iska soo Horjeeda ,waxaana uu is qab qabsiga iyo Dacwada  u dhaxeeyaa Caruurta Zoope ay socotey Muddo lix sanno ah, waxaana qaar ka mid ah Caruurtaas aysan ku qancin Xukunkii ugu dambeeyey ee ay ridaan Maxkamada racfaanka iyo Maxkamada Sare

 Shir Jaraaid oo ay ku qabteen Laba ka mdia ah Carurtii Zoope iyo Wakiilka Xaaskii uu ka geeriyoodey Zoope oo ka dhacay Daarta Caanka ah ee KM5  ayaa waxay ka hadleen qaabka ay u shaqeeyaan Maxkamadaha dalka iyo Dhibaatooyinka Jira iyo xaqooda la duudsiiyey waxayna ka Codsadeen Madaxda dalka u sareysa in aaney Indhaha ka qarsan habka Garsoorka u shaqeeya

Ugu Horeym waxaa Goobta ka Hadley Curuadkii Marxuum Zoope  oo la yiraahdo Maxamed Cabduqaadir Zoope waxaana uu sheegey in ay la yaab ku noqotey Xukuno ka soo baxay Maxkamada racfaanka iyo Maxkamadda Sare waxaana uu yiri “ laga soo bilaabo tan iyo Dowladnimadii Soomaaliya ee Sannadkii 1960  waligeed ma dhicin Xukun Maxkamada Sare ridey oo hadana Dib u eegis lagu sameeyey in dib  loogu  soo celiyey Maxkamada  Gobolka si dacwada loo soo bilaabo taas ayaa nagu dhacdey mana aha mid la aqbali karo” wuxuuna intaa ku darey

“Warqadda ka soo baxdey Maxkamada  oo hantida Aabaheen nalaku Duudsiiyey  oo been abuurka ah waxaa Marqaati ahaan ugu qoran Laba Qof oo Talyaani ah oo aan Muslim ahayn, ma waxaa la  waayey dad Soomaali ah oo Marqaati  ah maadaama Talyaaniga ay joogaan Soomaali Raxanweyn u badan  Sidaa darteed Saxiixa Aaabey Cid waliba waa Sameyn kartaa”

Wakiilkii Xaaskii Zoope uu ka Geeriyoodey Cabduqaadir Guutaale Geedi oo isna Goobta ka Hadley waxaa uu yiri “Waxaan cadaaladdaro ka tirsaneynaa Xukunkii Maxkamada Racfaanka iyo Kii Maxkamada Sare waxaana la yaab nagu noqotey markii Dhaxalkii Marxuum Zoope qaar ka mid Caruurtisa iyo Xaaskiisii  la yiri waxba kuma lihidiin  loona hibeeyey qaar kale iyadoo la Hayn Dukument sax oo Xaqiijinaya arintaas “ waxaa uu Hoosta ka xariiqey in u taagan Qaybtii Dhaxalkii Walaashiis Faadumo Guutaale waxaana uu soo jeediyey in ay ku kala Baxaan kitaabka Alle

Cali Cabduqadir Zoope oo ka Hadley Shirkaas jaraaid ayaa waxaa uu yiri “Waxaan Jiraa 64 sanno waxaan ahay Curud ku xigeen  Dhaxalkii Aabahaa waxba kuma lihid Cid aan ka yeelayo ma jirto, waa ku dagaalamayaa waana ku dhimanayaa waxaana u sheegayaa walaalaheena naga soo horjeeda in ay Ilaa ka baqaan oo ay ogolaadaan in hantida Aaabaheen aan dhaxalno

Gabagabadii  Dhamaantood waxay ugu baaqeen Madaxweynaha, Raiisl Wasaaraha, iyo Gudoomiyaha Baarlamaan in ay Deg deg ku soo farageliyaan ariintaas lana sameeyo  isbedel dhinaca Garsoorka ah si looga hortago Cadaaladdarida ka jirta Garsoorka Dalka