Taliyaha Gaadiidka Xafiiska RW Kheyre oo xil cusub loo magacaabay (Sawir)

Muqdisho (Caasimada Online)-Wareegto kasoo baxday Xafiiska Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka, General C/weli Jaamac Xuseen ‘’Gorod’’, ayaa waxaa lagu magacaabay Taliyaha Ciidamada Isku Dhafka ee ka hawlgala aaga magaalada Gaalkacyo.

Wareegtada ayaa waxaa lagu magacaabay Col. Cabdi C/laahi Maxamuud ‘’Xoreeye’’, oo noqon doona Taliyaha cusub ee ciidamada Isku dhafka aaga Gaalkacyo.

Taliyahaani ayaa laga soo dhex magacaabay Xafiiska Ra’isal wasaaraha Xukuumada Somalia, Xasan Cali Khayre, waxaana la sheegay in muddo farabadan uu ku dhex jiray howlaha ciidanka.

Col. Cabdi C/laahi Maxamuud ‘’Xoreeye’’, ayaa lagu sheegay inuu yahay Khabiir waxbadan ka bedeli kara colaadaha ka dhextaagan bulshada Gaalkacyo, waxaana la filayaa inuu dardargelin doono amniga Xarunta Gobolka Mudug.

Natiijada sawirka Korneyl Cabdi C/laahi Maxamuud (Xoreeye),

Sidoo kale, Col.  Xoreeye waxa uu ahaa Taliyaha Gaadiidka ee Xafiiska Ra’isal wasaaraha Somalia, waxaana looga maarmi waayay xilka cusub ee iminka loo magacaabay.

Dhinaca kale, magacaabida Taliyaha cusub ayaa daba socta socdaalka nabadeed ee Madaxweyne Farmaajo ku tagay magaalada Gaalkacyo., iyadoo natiijada soo baxday ay noqotay in halkaasi loo magacaabo Col.  Xoreeye.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com