Daawo: Cabdi Cali Raage oo ka warbixiyey sababta looga celiyey garoonka Kismaayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Cabdi Cali Raage oo ah La-taliyaha sare ee arrimaha doorashooyinka ee madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhammaaday ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyey sababta maanta Kismaayo looga soo celiyey diyaaraddii uu la socday oo ugu dambeyn dib ugu soo laabatay magaalada Muqdisho ee caasimada dalka.

Raage ayaa shaaca ka qaaday in amar kasoo baxay madaxda sare ee dowlad goboleedka Jubbaland diyaaraddii uu la socday looga soo celiyey hawada magaalada Kismaayo, xilli ay dooneyso inay ka degto garoonka diyaaradaha ee magaaladaasi.

Siyaasiyagan oo ay is hayaan Axmed Madoobe oo uu mar u soo noqday la-taliye sare ayaa sheegay in Pilotte-ka diyaaradda lagu amray inuu dib u laabto, kadibna uu la wadaagay dadkii saarnaa diyaaradda oo uu isagu jiray, sidaana loogu soo celiyey Xamar.

Sidoo kale wuxuu shirkiisa jaraa’id ku sheegay in sababta loo beegsaday, looguna diiday inuu ka dago Kismaayo ay tahay kala duwanaashaha siyaasadeed ee u dhexeeya, isaga iyo madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe, sida uu hadalka u dhigay.

“Diyaaraddu markii ay Kismaayo ku hoobatay oo ay ku dhoweyd inay degto ayaa Pilotte-kii waxaa soo gaaray farriin lagu amrayo inuu dib u noqdo arrimo amniga la xiriira aawgood. Ninkii Pilotte-ka ahaa wuxuu noo sheegay in farriintaasi ay soo gaartay, sidaas daraadeedna uusan u bareeri kareyn inuu dego, isla-markaana uu ku qasban yahay inuu dib ugu noqdo magaalada Muqdisho,”ayuu yiri siyaasiga caanka ah ee Cabdi Cali Raage.

La-taliyaha Farmaajo ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in tallaabadan ay cadayneyso in Axmed Madoobe uu beegsanayo siyaasiyiinta fikir & siyaasad ahaanBA kasoo horjeedo.

“Anigu markii ugu horreysaba uu farriinta sheegay Pilotte-ka waan fahmay dad badan oo aan xog-ogaal aheyn ayaa saarnaa buuq badan ayaa meesha ka dhacay, laakin waan u sheegay oo waxaan ku iri Prolem ma jiro aniga oo ka duulayo farriimihii hore oo aan helay oo ah in uusan Axmed Madoobe Dooneyn inaan Kismaayo imaado,” ayuu raaciyey.

Waxa kale oo uu xusay in u jeedkiisa uu ahaa in Kismaayo UU u tego ololihiisa doorashada, maadaama kursiga beeshiisa uu yaal Jubbaland, wuxuuna intaasi raaciyey is hortaaga lagu sameeyey uu qeyb ka tahay qorshaha lagu boobayo kuraasta taal halkaasi.

Ugu dambeyn Cabdi Cali Raage waxa uu hoosta ka xariiqay in qoyskiisa ay dagan yihiin gudaha Kismaayo, isla-markaana uu markale dib ugu laaban doono magaaladaasi, sidoo kalena uu ka qeyb-geli doono tartanka doorashada loo galayo kuraasta taalla Jubbaland.

Si kastaba, siyaasigan oo kal hore soo noqday la-taliyaha sarre ee madaxweynaha Jubbaland ayaa waxaa muddooyinkii dambe uu khilaaf xoogan kala dhaxeeyay Axmed Madoobe, kadib markii uu ku dhowaaday madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday.