26.8 C
Mogadishu
Tuesday, July 1, 2025

DAAWO: Cabdi Qeybdiid oo ka hadlay cida ka dambeysa Khilaafka Galmudug & Digniin uu udiray DFS

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Xildhibaan Cabdi Xasan Cawaale (Cabdi Qaybdiid) oo ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya, kana mid ahaa Xildhibaanadii Cadaado u tagtey qaboojinta xiisadda siyaasadeed ee Galmudug ka taagan, ayaa faah faahiyay wixii ay Cadaado kala kulmeen.

Waxaa uu sheegay in Arbacadii ay hal meel isugu keenayn Madaxweynaha Galmudug iyo Gudoomiye Kuxigeenka 1aad Baarlamaanka Galmudug oo isu dhinac ah iyo Madaxweyne Kuxigeenka, Gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Gudoomiye Kuxigeenka 2aad ee Baarlamaanka oo dhinaca kala ahaa, ayna ku guuleysteen inay wada heshiisiiyan, sidoo kalena ay u sameeyen khariirad ay ku wada shaqayn karaan, si khilaaf dambe oo dhexdooda ah aanu u imaan.

Wixii lagu heshiiyay si loo dhaqangeliyo, ayuu sheegay inay diidmo kala kulmeen Madaxweyne Kuxigeenka Galmudug, Maxamed Xaashi Cabdi (Carabey), oo soo istaagay inuu yahay Madaxweynaha Galmudug.

“Wixii lagu heshiiyay si loo sameeyo, saakay markaan isu nimid, waxaa naga hortimid ma weydaan ogayn anigu inaan Madaxweynihii ahay? Ninkii Madaxweyne Kuxigeenka ahaa. Ma adaa Madaxweyne ah? Haa.” Ayuu yiri Cabdi Xasan Cawaale.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

[youtube https://www.youtube.com/watch?v=euVmz-GOdoo]

Waxaa uu intaa ku daray “Maxaad noo lug goyneysay, illaa doraad, shalay iyo xalay intii aan dhimaneynay? Maa tiraahdid meesha Madaxweyne ayay leedahay ee iska tagga?”

Xildhibaan Cabdi Qaybdiid, ayaa tilmaamay in uu jiro nin kale oo gadaal ka taagan Madaxweyne Kuxigeenka, kaasoo xusulduub ugu jira inuu noqdo Madaxweynaha Galmudug.

Cabdi Qaybdiid oo la kulmay Odayaasha Dhaqanka Galmudug, ayaa u sheegay inay badbaadsadaan maamulkooda, oo sida uu muujiyay ay jiraan dad doonayay inay ka burburiyaan.

- Advertisement -

Read more

Local News