DF oo ka jawaabtay go’aankii uu Xaaf diyaaradaha uga mamnuucay Galmudug

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Sida aad wararkeenii hore ku akhrisateen Madaxweyne Xaaf dayaa shalay soo saaray waraaq uu Diyaaradaha Muqdisho ka imaanayo uga mamnuucay Garoonka Diyaaradaha Cadaado.

Xaaf ayaa waraaqdaan ku sababeeyey kadib markii uu sheegay inay dowladda Soomaaliya faragelin ku sameysay maamulkiisa isla markaasna uu dareemay qalqal amni iyo mid maamul ee Galmudug.

Haddaba Hay’adda duulista hawada ee dowladda Federalka ee Soomaaliya ayaa sheegtay in iyada oo kaliya ay awood u leedahay go’aan ka gaarista arrimaha duulimaad dalka.

Maareeyaha Guud ee ee Hey’adda saadaasha iyo duulista Hawada Soomaaliya Yuusuf Cabdi Cabdulle (Yuusuf Jaalle) oo VOA-du la hadashay ayaa sheegay in Hey’adda Duulista Hawada ee dowladda Federalka oo kaliya ay tahay midd awoodda u leh Amar kasta oo lagu joojinayo duullimaadyada Soomaaliya.

Amarka Galmudug ee Mamnuucista Duulimaadyada ayaa lagu shaaciyay wareegto ka soo baxday xafiiska Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geele Xaaf oo dhawaan xubno ka tirsan baarlamanka Galmudug sheegeen inay kalsoonidii kala noqdeen.