Sawirro: Kheyre oo markii ugu horeysay xili habeen ah kasoo degay Garoonka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Ra’isul wasaaraha Xukuumadda Federaalka ah ee Somalia Xasan Cali Khayre ayaa xalay dalka dib ugu soo laabtay, ka dib socdaal shaqo oo uu ku tagey dalka Mareykanka oo uga qeyb galay Shirka Golaha loo dhan yahay ee QM.

Waxaana garoonka Muqdisho ku soo dhaweeyey mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole ee dawladda iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir.

Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in shaqo adag oo ay qabatay Xukuumaddu, ka dib lagu guuleystay in xili habeen ah ay ka soo dagaan diyaaraduhu Garoonka Muqdisho. Wuxuna xusay in la sii wadi doono dadaallada lagu horumarinayo dalka.

Ra’isul wasaaraha ayaa tacsi u direy ehellada dadkii ku dhintay Qaraxii shalay ka dhacay Muqdisho, kuwa dhaawaca ahna eebe uga baryey in uu siiyo caafimaad degdeg ah.

Isagoo uga baaqay dadka Soomaaliyeed in hal meel looga soo wada jeesto dhibaatada ay kooxaha argagixsadu ku hayaan shacabkeena.

Ugu danbeyn, Ra’isul wasaare Khayre ayaa ka codsaday bulsho weynta Soomaaliyeed in laga shaqeeyo midnimada iyo wadajirka dadka iyo dalka Soomaaliyeed, wixii dhib jirana lagu dhameeyo wada xaajood iyo in la eego dadka guud ee Soomaaliya.