Daawo: Cabdi Xaashi oo ka horyimid in la bedelo xeer Hoosaadka AQALKA SARE

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullahi oo khudbad ka jeediyey kulan ay maanta yeesheen Golaha ayaa ka hadlay arrimo ku aadan muranka ka taagan Xeer Hoosaadka Golaha Aqalka Sare.

Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa si weyn uga horyimid in la bedelo Xeer Hoosaadka uu Aqalkaas kusoo shaqeynayey 4-tii sano ee lasoo dhaafay, wuxuuna tilmaamay haddii wax laga bedelayo inay noqoneyso dib u noqosho horleh, sida uu hadalka u dhigay.

“Hadda inaynu niraahno Xeer Hoosaad cusub ayey shaqadii ka bilaabeynaa aniga ilama hagaagsana waa dib u noqosho waxaa weeye 4 sano ayuu Aqalkan kusoo shaqeynayey Xeer Hoosaadkaas,” ayuu yiri guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Cabdi Xaashi ayaa sidoo kale soo jeediyey in ugu yaraan ay haboon tahay in qodobada qaar wax laga bedelo, inta kalena sidooda lagu daayo.

“Haddii ay noqoneyso qodobaad aan isleenahay wax halaga bedelo waxaa weeye marka aynu howlihiisa galno ayaa ku bedeleynaa wixii jira,” ayuu sii raaciyey.

Waxa kale oo uu intaasi ku daray in aan loo baahneyn xilligan in xubnaha cusub dartood loo bedelo Xeer Hoosaadka, balse la saxo wixii u baahan in dib loo saxo.

“Ma qabo inaad tiraahdaan xubno badanbaa cusub, sidaas daraadeed hab-dhowrihii ahaa magacaabista maanta ma ogolin inuu socdo aniga erey fiican ilama aha waa dib u noqosho taasi. Xeer Hoosaadka waa saxeynaa wixii sixitaan u baahan,” ayuu markale yiri Mr. Xaashi.

Hadalkan ayaa kusoo aadayo, iyadoo Golaha Aqalka Sare ay ku biireen xubno cusub, kuwa ka mid ahna Senetaradii hore ay soo laabteen, taas oo keentay dooda haatan ka dhalatay Xeer Hoosaadka Aqalka Sare oo muhiim u ah shaqada iyo kulamada ay yeeshaan Golahaas.