Fahad oo ka hadlay sida uu noqonayo xiriirkiisa QATAR kadib guul-darradii Farmaajo

Muqdisho (Caasimada Online) – La-taliyihii hore ee Amniga Qaranka, Fahad Yaasiin oo markii u horeysay bixiyay wareysi gaar ah, tan iyo markii lagaga adkaaday doorashada madaxweynaha saaxiibkii Farmaajo ayaa ka hadlay xiriirka kala dhaxeeya Qatar.

Fahad Yaasiin oo la weydiiyay sida uu ku dambeyn doono xiriirkii kala dhaxeeyay dowladda Qatar ayaa sheegay in Qatar aysan shaqsi wada-shaqeyn kala dhaxeyn, taasi oo la macno ah in xiligaan aysan jirin xiriir ama wada-shaqeyn dhexmari karta.

“Fahad nidaam dowladeed ma aha, qof ayaa ahay hadda maxay ila soo xiriirayaan? ma dowlada Soomaaliya ayaa madax ka ahay,” ayuu yiri La-taliyihii hore ee Amniga Qaranka, Fahad Yaasiin.

Fahad ayaa sida la fahamsan yahay ahaa shaqsigii u dhaxeeyay madaxweynihii hore ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo dowladda Qatar oo ayadu aheyd dowlad saameyn weyn ku laheyd tallada dalka.

Sidoo kale waxa uu ku faanay intii uu joogay xilka u sareeya hay’adda NISA in uu meesha ka saaray “fara-gelin shisheeye” iyo in xogaha dowladda si fudud ku helaan ajaaniibta kale.

Mar la weydiiyey haddii dowladihii uu beddelay uu ku beddelay Qatar, wuxuu sheegay inuusan marnaba NISA u isticmaalin miisaaniyad aan ka aheyn kan dowladda fedeeraalka, oo ay ogtahay lagana xaqiijin karo wasaaradda maaliyadda Soomaaliya.

Si kastaba, Dowladda Qatar ayaa xiligaan dadaal badan ku bixinaysa sidii ay xiriir wanaagsan ula sameyn laheyd madaxda cusub ee dalka, tan iyo markii uu doorashada ku guuleystay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.