DF oo shuruudo ku xireysa in la fasaxo khaatka KENYA

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa ka jawaabtay warka kasoo baxay dowladda Kenya ee ku saabsan in dib loo fasaxay khaatka Kenya ee iman jiray Soomaaliya oo hadda xayiran muddo laba sano ah. 

Wasiirka beeraha Kenya Peter Munya ayaa shalay sheegay in muddo laba toddobaad gudahood ah lagu billaabi doono dhoofinta khaatka, xilligaas oo lagu wado in labada madaxweyne ay saxiixaan heshiis ganacsi oo rasmi ah.  

Munya ayaa sidoo kale sheegay in duulimaadyada tooska ah ee labada dal ay dib u billaabmi doonaan Talaadada. 

Heshiis la xiriira adeegga duulimaadyada ayaa lagu doc saxiixi doonaa shirka IGAD ee Talaadada lagu qabanayo Kenya, ayada oo Kenya ay fududeyn doonto xeerarka Visa-ha ee ku wajahan Soomaalida. 

Si kastaba, sarkaal sare oo ku dhow maamulka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xaqiijiyay inuu socdo wadahadal u dhaxeeya labada dhinac oo waxyaabaha looga arrinsanayo uu ku jiro khaatka, balse aanu jirin heshiis rasmi ah oo arrintan laga gaaray.

Balse, wuxuu sheegay in Soomaaliya qudheeda ay doonayso waxyaabo ay Kenya ka rabto si ay labada dhinacba u helaan natiijo mirodhal ah. 

Soomaaliya ayaa mas’uuliyiinta Kenya ka dalbatay in, si loo fasaxo khaatka, Soomaaliya dhankeedana loo hirgeliyo dhowr arrin oo ay ka mid yihiin:

1- Ku biiritaanka Ururka Bulshada Bariga Afrika

In muddo ahba Soomaaliya ayaa u hanqal taagaysay in ay xubin ka noqoto Ururka Bulshada Bariga Afrika, oo hadda ka kooban toddobo waddan oo kala ah: Kenya, Uganda, Tanzania, Burundi, Rwanda, Suudaanta Koonfureed iyo Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ah ee Koongo.

Dowladda Soomaaliya ayaa markii uu wadahadalkan furmay waxyaabaha ay Kenya ka codsatay waxaa ka mid ah in ay kala shaqeyso sidii ay uga miro dhalin lahayd hammigeeda ku aaddan ku biiritaanka ururkaas oo magaciisa loo soo gaabiyo EAC.

Kenya ayaa ka mid ah xubnaha ugu firfircoon ee EAC, waxayna kaalin weyn ka qaadatay ka mid noqoshadii Koonfurta Suudaan ee ururka oo ah dalkii ugu dambeeyay ee ku biira.

Dalalka ku mideysan dalladdan ayaa wadaaga xiriir dhow. Dhammaan muwaadiniintooda ayaa loo oggol yahay in ay waddamadan isaga kala gooshaan, ganacsi xor ahna isu kala gudbiyaan si fudud.

Ujeeddada ay Soomaaliya ka leedahay xubinnimada EAC waxaa ugu wayn in la xoojiyo dhaqdhaqaaqyada ganacsiga ee Soomaaliya iyo in dadka wata baasaboorka Soomaaliya ay dal-ku-gal-la’aan ku dhex safri karaan waddamada ku jira ururkan Bariga Afrika.

Haddii ay arrintaas hirgasho, ganacsatada Soomaalida ayaa heli doona xuquuq la mid ah tan dalalka kale, waxayna heli doonaan fursado ay badeecooyinkooda kala duwan ku dhoofiyaan.

2- Fududeynta safarka

Qodobbada muhiimka ah ee Soomaaliya ay ka rabto dhinaca Kenya waxaa ka mid ah in muwaadiniinta Soomaalida loo fududeeyo safarrada ay ku tagayaan Kenya.

Qof walba oo ku dhoofaya baasaboorka Soomaaliya ayaa marka uu tagayo Kenya laga doonayaa in uu qaato dal-ku-gal ka hor inta uusan diyaaradda raacin.

Mararka qaar waxay helista dal-ku-galka qaadataa dhowr bil, lacag badanna way uga baxdaa.

Inkastoo tan iyo sanadkii hore ay muwaaddiniinta Kenya ee u safraya Soomaaliya lagu qasbay inay online-ka ku sii dalbadaan dal-ku-galka, haddana waxaa horay caadi u ahayd inay dal-ku-galka Soomaaliya qaataan marka ay ka degaan garoonka Aadan Cabdulle.

3- Dhoofinta Kalluunka

Ilaha dowladda Soomaaliya ee xogta aan ka helnay ayaa noo xaqiijiyay in Soomaaliya ay sidoo kale doonayso in Kenya loo dhoofiyo kalluunka Soomaaliya.

Qodobkan ayaa isagana ahaa mid dhowr jeer oo hore la soo hadal qaaday, qaybna ka ah ganacsiyada ugu waawayn ee dhex mari kara labada waddan ee deriska ah.

Soomaaliya ayaa doonaysa in suuqa kalluunka ay kasoo xareyso dhaqaale xoog leh, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Haddii la billaabo dhoofinta Kalluunka, waxay taasi waddada u furaysaa badeecooyin kale oo laga dhoofin karo Soomaaliya, sida dalagyada beeraha iyo xoolaha nool. Taas oo ay sii dheer tahay suuqa weyn ee dalalka ku bahooday Ururka Bulshada Bariga Afrika.

Maxay Kenya sheegtay dhankeeda?

Wasiirka beeraha Kenya Peter Munya ayaa shalay sheegay in muddo laba toddobaad gudahood ah lagu billaabi doono dhoofinta khaatka, xilligaas oo lagu wado in labada madaxweyne ay saxiixaan heshiis ganacsi oo rasmi ah.  

Mr. Munya oo ka hadlayey gobolka Meru ee khaatka laga soo saaro ayaa sheegay in maamulka cusub ee Soomaaliya uu ballan-qaaday horumarinta xiriirka diblomaasiyadeed ee labad dal.

Waxa uu xusay in wada-hadallada ganacsi lagu guuleystay kadib markii uu Uhuru Kenyatta Khamiistii tegay Muqdisho, halkaasi oo uu kaga qeyb galay caleemo-saarka madaxweyne Xasan Sheekh. 

“Waxaan uga mahad-celineynaa madaxweyne Uhuru Kenyatta wada-xaajoodyada diblomaasiyadeed ee uu sida hoose u waday. Xayiraadda waxay si xooggan u saameysay dhaqaalaha Bariga Kenya iyo dakhligii beeraleyda,” ayuu yiri Mr. Munya.

Munya ayaa sheegay in wada-hadallada hadda lasoo geba-gebeeyey, waxaana haray in la saxiixo heshiiska, oo ay qeyb ka tahay in kalluunka Soomaaliya iyo badeecado kale loo dhoofiyo Kenya.

Khaatka Soomaaliya ayaa waxaa horey u mamnuucay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, oo taas beddelkeed fasaxay khaatka Itoobiya oo ay dalka keenaan dad isaga ku dhow siyaasad ahaan iyo ehel ahaan.