Daawo: Cabdixakiin Cigaal oo maanta laga oofiyay xadkii qisaasta Samafale Bulxan

Caabudwaaq (Caasimada Online) – Maxkamada gobalka Galgaduud ayaa maanta xukun dil ah ku fulisay Cabdixakiin Axmed Cigaal oo magaalada Cabudwaaq 13-kii bishaan ku dilay Alle ha unaxariistee Wariye Cabdikariin Axmed Bulxan.

Cabdikariin Bulxan oo sidoo kale ahaa Samafale ayaa waxa uu ka tirsanaa Warbaahinta Qaranka.

Ninkan maanta lagu oofiyay xadkii qisaasta marxuumka ayaa waxa uu laba maalin kahor ka hor si lala yaabay maxkamadda uga hor qirtay dembiga loo haystay ee dilka marxuum Bulxan.

Cabdixakiin ayaa si cad maxkamadda uga hor qirtay in Cabdikariin uu isagu dilay, isaga oo markaas codsaday in laga oofiyo xadka qisaasta dilkii uu u geystay Weriye Cabdikariin Bulxan, taasi oo dadkii fadhiga ka soo qeyb galay aad uga yaabisay.

“Walaalkey Cabdikariin Axmed Bulxan aniga ayaa dilay, waliba si bareer ah ayaan u dilay, waxaan diyaar u ahay in xaqa la iga oofiyo oo shareecada islaamka la i marsiiyo,” ayuu yiri Cabdixakiin Axmed Cigaal oo si dhiiran uga hor hadlay maxkamadda.

Qareenkii isku soo diyaariyey inuu u doodo ninkaan dilka loo heystay ayaa garan waayey wax uu sheego markaasi, maadaama uu isagu kahor qirtay maxkamadda.

Intaas kadib guddoomiyaha maxkamadda gobolka Galgaduud Cismaan Cali Hudey ayaa ku dhawaaqay xukunka maxkamadda, isagoo dil toogasho ah ku xukumay Cabdixakiin Axmed Cigaal oo ah qisaasta Weriye Cabdikariin Axmed Bulxan.

Kiiskaan ayaa maalmihii u dambeeyay si aad ah u qabsaday baraha bulshada, ayada oo dadka aad uga yaabisay dhiiranaanta ninka dilka geystay oo maxkamadda ka codsaday in laga oofiyo xadka qisaasta.

Hoos ka daawo