Xarardheere: Tijaabaddii ugu dambeysay ee Shabaab iyo tallaabo la gudboon dowladda

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Xarardheere ayaa noqotay tijaabaddii ugu dambeysay ee Al-Shabaab, ayada oo dadka deegaanka ay wajahayan koox uusan dhinac kale dagaal uga socon, xilli beelaha qaar ay furimihii kale kasoo baxeen.

Kooxda ayaa dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay culeys xooggan soo saartay degmada, ayada oo shalay deegaan dhaca duleedkeeda ay isku fara saareen ciidanka iyo maleeshiyaad ay kooxda u diyaarineysay inay weeraraan degmada.

Shabaab ayaa xilligaan dadaal badan ku bixineysa sidii ay dib ugu qabsan laheyd degmada oo kal hore looga adkaaday, xilli uu hoos u dhacay gulufkii dagaal ee ka dhanka ahaa kooxda.

Haddii reer Xarardheere xilligaan laga adkaado ayaa waxay ka dhigan tahay in uu dagaalkii gobollada dhexe fashilmay, taasi oo god dheer kusii ridi karta rejada in kooxda Al-Shabaab laga adkaado

Reer Xarardheere si ay argagixisada uga adkaadan kuma filna ayaa la leeyahay inay dowladdu baraha bulshada ku taageerto ee waa “in gurmad iyo gacan ficil ah lagu biiriya, oo fadhiga laga kacaa.”

Dowladda dhexe iyo maamulka Galmudug waa in aaney dadka deegaanka ku fiirsan culeyska ay argagixisadu soo saartay maalmihii dambe, ayna u fidiyaan gurmadka iyo taageerada sida deg degta ah ugu baahan yihiin.

Si kastaba, Al-Shabaab ayaa dhawaan dib ula wareegtay deegaano uu dhiig badan ku daatay oo horey looga xoreeyay kadib markii uu hoos u dhac ku yimid dagaalka, ayna iskaga baxeen ciidanka, xilli la filayay in uu dagaalka galo wejiga labaad.