Daawo: Cali Guudlaawe oo shaaciyey laba QODOB oo Xasan Sheekh uu kala hadlay

Buuloburde (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka HirShabeelle Cali Guudlaawe Xuseen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaaray degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, magaaladaas ayaa in ka badan 10 sano go’doon ugu jirta kooxda Al-Shabaab.

Cali Guudlaawe oo shalay Muqdisho yimid, si uu maanta ugu safro Buuloburde ayaa ku goodiyey inay iska xorey doonaan Al-Shabaab, isla markaana uu taageero u daarsaday madaxda dowladda federaalka.

Sidoo kale Cali Guudlaawe wuxuu sheegay in xalay uu Muqdisho kula kulmay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, si dagaalka Al-Shabaab uu taageero ugu raadiyo.

“Shalay waxaan ka tegay Jowhar, xalay waxaan ku hoyday Xamar, qorshaheygu wuxuu ahaa inaan soo gaaro Buuloburde iyo degmooyinka kale ee gobolka Hiiraan, Xamar waxaan u aaday talada madaxda dalka ugu sareysa oo madaxweynuhu ugu horeeyo,” ayuu yiri Madaxweynaha HirShabeelle.

Cali Guudlaawe wuxuu intaas ku sii daray in madaxweyne Xasan Sheekh uu ula tegay laba qodob oo kala ah xoreynta deegaanada ay Al-Shabaab ka heystaan HirShabeelle iyo gurmadka dadka ay abaaruhu ku saameeyeen deegaanada maamulkaas.

“Madaxweynuhu labada qodoba waa ila qaatay, in dadka loo gurmado aad ayuu u soo dhaweeyey, tan dagaalkana wuxuu nagu booriyey in aan loo kala harin, dhowaana wuxuu imaanayaa Hiiraan,” ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Madaxweynaha HirShabeelle iyo ku xigeenkiisa Yuusuf Dabageed ayaa caawa ku sugan degmada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, “Loo kala hari maayo dib u xoreynta inta 1 KM oo HirShabeelle ka tirsan uu cadowgu ku sugan yahay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray madaxweynaha oo la hadlayey dadka reer Buuloburde.

Ugu dambeyntii Cali Guudlaawe ayaa reer Buuloburde ka balan qaaday in loo dhisi doono gole deegaanka, si loo helo adeegyadii dadweynaha, “Golaha deegaanka waa naga go’antahay inaan u dhisno degmadaan, sababtoo ah mashaariicda dhan waxay u xayiran tahay maamul lasoo doortay, wasiirka arrimaha gudaha hortiina ayaan ka faraa in sida ugu dhaqsiyaha badan loo dhiso golaha deegaanka ee degmadaan,” ayuu yiri.

Hoos ka daawo