Koox caawa si arxan darro ah u dishay Hibo oo maanta ku baastay imxitaankii dowladda

Muqdisho (Caasimada Online) – Degaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka magaalada Muqdisho waxaa caawa lagu dilay Hibo Qaasim Maxamed oo kamid ahayd ardaydii ku baastay imtixaankii ay maanta dowladdu shaacisay natiijadiisa.

Kooxo ku hubaysan Baangado iyo Midiyo ayaa wadada u galay Hibo, xilli ay gurigeeda u socotay fiidkii hore ee caawa, sida ay noo xaqiijiyeen qaar ka mid ah ehelkeeda.

Kooxda dishay gabadhaas waxayna ka dhacayeen taleefoon ay sidatay, xilli ay ka soo laabatay suuqa, una sii hoyaadeysay xaafadda oo halka lagu dilay aan ka dheereyn.

Allaha u naxariistee Hibo waxay ka mid aheyd kumanaankii arday ee maanta ay wasaaradda waxbarashadu shaacisay inay ku baaseen imtixaankii dowladda, waxayna maanta u aheyd maalin farxadeed.

Qoyska Hibo oo maanta faraxsanaa maadaama ay imtixaanka dowladda ku baastay gabadhoodii ayaa caawa murugoonaya, kadib markii ay tuugo dishay marxuum Hibo Qaasim.

Iskuul lagu magacaabo Iftin oo ku yaalla deegaanka Ceelasha Biyaha ayey ka baxday gabadha caawa la dilay, waxaana xusid mudan in iskuulkaas qeybtiisa degmada Warta Nabadda ee Muqdisho uu ka baxay Khaalid Cabdullahi oo ah wiilka kaalinta koowaad ka galay guud ahaan imtixaankii dowladda.