Daawo: Cali Guudlaawe oo war cusub ka soo saaray dagaalka Al-Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe oo galabta soo gaaray Muqdisho ayaa ka hadlay labo caqabadood oo ka jirta deegaanada maamulkaas.

Labada caqabad ee Madaxweyne Cali Guudlaawe uu sida faahfaahsan uga hadlay ayaa kala ah dagaalka Al-Shabaab iyo fatahaadka ku dhufatay deegaano badan oo ka tirsan HirShabeelle.

Madaxweynaha ayaa ugu horeyn ka hadlay halka uu marayo dagaalka Al-Shabaab, isagoo sheegay in guud ahaan bariga gobollada HirShabeelle laga saaray kooxda Al-Shabaab.

Cali Guudlaawe ayaa ku faanay in muddo 7 bilood ah uu ku jiray inta u dhaxeysa Jowhar, Beledweyne iyo Aadanyabaal, isla markaana ay xaqiijiyeen in amniga deegaanada bari ee HirShabeelle.

Sidoo kale Cali Guudlaawe ayaa aad ugu mahadceliyey cid kasta oo ku garab siisay dagaalka kooxda, gaar ahaan dowladda dhexe, ciidamada xoogga dalka iyo dadka deegaanka ee hubka qaatay.

“Waxaa guul ah gaarigii maanta ka baxa Muqdisho isagoo aan Shabaab arkin ayuu toos u tegayaa Gaalkacyo, Beledweyne ilaa Feerfeer, ciidanka deegaanka ee Macawiisley, xoogga dalka iyo dowladda federaalka oo madaxweyne Xasan Sheekh uu ugu horeeyo ayaa nagu taageeray inaan gaarno guushaan taariikhiga ah,” ayuu yiri Cali Guudlaawe.

Maxaxweynaha ayaa sheegay in galbeedka HirShabeelle oo Shabaab ay ku dambeeyaan ay mardhow ka bilaabi doonaan howlgallo culus, isagoo sheegay inuu socdo abaabul xooggan oo ay wadaan dadka deegaanka, masuuliyiinta metesha iyo dowlad goboleedka HirShabeelle.

Ugu dambeyntii Cali Guudlaawe ayaa ka warbixiyey xaaladaha ay sababeen fatahaadaha ku dhuftay HirShabeelle oo magaalooyin ay ugu horeeyaan Beledweyne iyo Jowhar ay biyo harqiyeen, wuxuuna codsaday in cid kasta oo awooda ay gargaar la gaarto dadka ay fatahaaduhu ku saameeyeen HirShabeelle.

Hoos ka daawo