Daawo: Cali Jayte oo tegay JICIBOW kana hadlay howl-galkii lagu laayey Shabaab

Jicibow (Caasimada Online) – Wafdi masuuliyiin ah oo guddoomiyaha gobolka Hiiraan uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray deegaanka Jicibow ee waqooyiga magaalada Buuloburde, halkaas oo lagu laayey Al-Shabaab doonayey inay kala jiraan magaalooyinka Beledweyne iyo Buuloburde.

Guddoomiye Cali Jeyte ayaa warbaahinta kula hadlay Jicibow, wuxuuna sheegay in ciidanka xoogga dalka iyo kuwa dib u xoreynta deegaanka ay laayeen Al-Shabaab-kii soo galay deegaankaas, kadib markii ay ciidanku hareereeyeen.

Sidoo kale Guddoomiye Cali Jeyte ayaa si weyn ugu mahad-celiyey ciidanka Jabuuti ee Hiil-Walaal oo maanta duqeyn ku laayey koox Shabaab ah oo laga saari waayey goob ay gabaad ka dhigteen.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan wuxuu beelaha Soomaaliyeed mar kale ugu baaqay in Shabaab ay iska xoreeyaan, “War Soomaaliyey Shabaab waa jabay ee dhulkiina ka xoreysta, war raggu maanta waa tabar beeleen ee dhameystira,” ayuu yiri Cali Jeyte.

Ciidanka dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka ayaa howlgalkaan ku dilay Shabaab aad u badan, iyadoo ugu dambeyntii maanta lagu duqeeyey buur ay fuuleen, si ay difaac uga dhigtaan, guddoomiye Jeyte ayaa warbaahinta u xaqiijiyey in lasoo afjaray kooxdii soo gashay deegaanka.

Deegaanka Jicibow ayaa qiyaastii 30 KM dhanka Beledweyne ka xiga magaalada Buuloburde ee gobolka Hiiraan, halkaas oo marin muhiima u ah isku socodka labada magaalo oo dib loo furay dhamaadkii bishii hore.

Hoos ka daawo