Mareykanka oo faro-geliyey doodda DF iyo warbaahinta ee faafinta wararka Shabaab

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda Mareykanka ayaa soo saartay qoraal ay fariin ugu direyso dowladda Soomaaliya iyo warbaahinta Soomaaliyeed ee madaxa-banaan, kadib go’aan ay warbaahintu ka qeylisay oo dowladda kasoo baxay Sabtigii todobaadkaan.

Madaxda ururrada saxaafadda qaar oo maanta Muqdisho kula hadlay warbaahinta ayaa dowladda ku eedeeyey inay caburineyso warbaahinta, kadib go’aankii ay ku mamnuucday in laga qeyb qaato baahinta wararka iyo fariimaha kooxda Al-Shabaab.

Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo qoraal ka soo saartay dooda dowladda iyo ururrada saxaafadda ayaa ku baaqday in iyadoo la ilaalinayo xorriyadda hadalka, hadana laga wada shaqeeyo ammaanka iyo danaha dalka. 

“Xuquuqda iyo Waajibaadku waxay qeexaan saxaafadda xorta ah – xaqa ay u leedahay inay soo bandhigto aragtiyo kala duwan iyo mas’uuliyadda bixinta xog sax ah. Waxaan ku dhiirigelinaynaa Dowladda Soomaaliya iyo Warbaahinta Soomaaliyeed inay si wadajir ah uga shaqeeyaan horumarinta amniga, oo ay ku jiraan badqabka suxufiyiinta iyo xorriyaddooda warbixineed,” ayaa lagu yiri qoraalka safaaradda Mareykanka.

Dood adag ayaa ka dhalatay sida ay ururrada saxaafadda qaar uga fal-celiyeen go’aankii dowladda, maadaama amarka ay dowladdu soo saartay uu toos ugu socday Al-Shabaab iyo taageerayaashooda, sidoo kalena ay xirtay fadhiyadii rasmiga ahaa ee faafi jiray fijirada kooxda.

Wasiir ku xigeenka warfaafinta Soomaaliya Cabdiraxmaan Al-Cadaala oo warbaahinta la wadaagay go’aanka dowladda ayaa ku celceliyey in xorriyatul qowlka iyo wax kasta oo xog saxan ah aysan diidaneyn dowladdu, balse aan laga qeyb qaada karin faahfaahinta wararka iyo dacaayadaha Al-Shabaab.