Sawirro: DF oo caawa Muqdisho kasoo dejisay gabar ay dowlad kale ku xukuntay xabsi dheer

Muqdisho (Caasimada Online) –Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay inay ku guuleysatay inay dalka dib ugu soo celiso Faadumo Cabdullahi Samatar oo 15 sano oo xabsi ah ay ku xukuntay dowladda Kuwait.

Faadumo oo sanadkii 2018-kii ay dowladda Kuwait ku xukuntay 15-sano oo xabsi ah ayaa caawa laga soo dejiyey garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, waxaana loo gudbiyey CID-da.

“Caawa oo taariikhdu ay tahay 10 Oct 2022, waxaa garoonka diyaaraddaha ee Adan Cadde uu Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranku kula wareegay Fatima Abdullahi Samatar oo ku xirnayd dalka Kuwait laga soo bilaabo July 2018, Fatima waxaa lagu helay eedaymo ay ku eedayeen Dacwa oogista dalka Kuwait, waxaana lagu xukumay 15 sano oo xarig ah, xarigaas oo ugu dambayn Amiirka dalka Kuwait ka cafiyay kala bar,” ayaa lagu yiri qoraalkaan uu baahiyey Radio Muqdisho.

Warkaan laguma xusin dembiga ay gashay gabadhaan ee sababay in lagu xukumo 15 sano, waxaana hadda loo gudbiyey xarunta dembi baarista booliska Soomaaliya ee CID-da, si baaritaan kale loo marsiiyo.

“Dadaal dheer iyo xiriiro uu xafiiska Xeer ilaaliyaha qaranka iyo hay’adaha kale oo ay khusayso la sameeyeen madaxda dalka Kuwait ayaa suurta geliyey in caawa Faadumo dib loogu soo celiyo dalkeeda hooyo, si ay wadanka ugu qaadato inta u dhiman xarigeeda,” ayaa lagu yiri qoraalka. 

Yaxye Maxamuud Siciid Xeer Ilaaliye ku xigeenka Qaranka ayaa gabadhaan kula wareegay garoonka diyaaraddaha ee Aadan Cadde, waxayna dowladdu shaacisay in xarigeeda sharciga la waafajiyo. 

Ugu dambeyntii, sida lagu baahiyey qoraalkaan xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka ayaa balan qaaday in dadaalkiisa uu isugu geynayo sidii dhammaan dalka dib loogu soo celin lahaa muwaadiniinta ku xiran daafaha caalamka, iyadoo la xusay inay jiraan dadaallo ku aadan arrintaas oo uu wado xafiisku.