Xildhibaan shaaciyay mugdi ku gadaaman xeer dhowaan la horgeeyay golaha wakiilada

Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland ayaa si adag uga horyimid xeerka caymiska shirakadaha oo la horgeeyay Golaha, kaasi oo u si weyn u dhaliilay.

Xildhibaanka ayaa sheegay in xeerka caymiska uu ku jiro mugdi badan, islamarkaana ay ka dhiman yihiin xeerka loo soo gudbiyay Golaha qeybtii ugu muhiimsaneyd ee caymiska uu lahaa.

“Xeerka Ceymiska waxa ka dhiman qeybtii lagu cadeyn lahaa cida la cayminayo iyo kuwa cayminaya. Waxa qosol ahba in Shirkada ceymiyaha laftiisa uu leeyahay shil cabiraha iyo jaangooyaha shilka.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in muhiim aheyn in xeerkaan sida uu yahay hadda ay meel-mariyaan, maadama uu ku cel-celiyay in uu dhibaato hor leh u geysanayo bulshada reer Somaliland.

“Xeerkaan waxa uu ka kooban yahay 67 qoddob oo ka hadlay un aas-aaska shirkadaha caymiska, xeerkani waxay aheyd in uu ka hadlo ninka la yiraahdo caymiye iyo loo caymiye, labadaas midna kama uusan hadlin. Shirkadaha aas-aaskooda unbu ka hadlay, qaabkaasina waa dulmi.”

Hay’adda Caymiska Somaliland ayaa muddooyinkii dambe si weyn ugu ololeynaysay in gudaha Somaliland laga dhaqan-geliyo nidaamka caymiska, kaasi oo aan weli xeer-nidaamiyihiisa la meel-marin.