Shacab arrin dhiiranaan leh maanta ka sameeyey suuqa Bakaaraha ee Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Warar dheeri ah ayaa kasoo baxaya Nin ku hubeysna Bistoolad oo maanta rasaas ku furay goob ganacsi oo ay dad shacab ah ku dukaameysanayeen, taasi oo ku taalla gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Ninkaan hubeysan ayaa markii uu furay rasaasta waxaa bursaday dadkii halkaasi joogay, ayada oo markii dambena ay gacanta ku dhigeen ciidamo ka tirsan Nabadsugidda oo halkaasi ka agdhawaa.

Wararka ayaa intaas kusii daraya in ninkaan hubeysan loo maleynayo inuu ka mid yahay kooxda Daacish oo hadda ka hor isku dayday iney xiraan goobtan maanta la rasaaseeyay.

Taliska Booliska degmada Howl-wadaag oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamada amniga ay fashiliyeen qorshaha argagixisada, islamarkaana ay baaritaano dheeraad ah ku hayaan dhacdadaan..

Dhacdada maanta ayaa muujineysa in shacabka Soomaaliyeed ay si dhab ah uga go’an tahay iska xoreynta argagixisada, ayada oo ay awal adkeyd in ragga ka tirsan kooxaha argagixisada ee lacagaha baada ka qaada ganacsatada si bareer ah loo hor istaago, waana guulaha ka dhashay kacdoonka shacab ee ka dhanka ah argagixisada.

Arrintaan ayaa sidoo kale quus ku noqoneysa kooxaha argagixisada ee baqdin-gelinta lacagaha uga qaadan jiray ganacsatada, waana jabkii ugu weyna ee suuqa Bakaaraha kala kulmaan sanado badan kadib.