Daawo: CC Shakuur oo isku xiray siyaasad wanaaga Somalia & bixitaanka AMISOM

Muqdisho (Caasimada Online)-Siyaasiga mucaaradka C/raxmaan C/shakuur Warsame oo ah Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ayaa si adag u dhaliilay Siyaasada dowlada Somalia kadib markii uu sheegay inay tahay habeen guur oo aan meel loo raaca laheyn.

C/raxmaan C/shakuur oo ka hadlayay munaasabad soo dhoweyn oo loogu sameeyay magaalada Toronto ee dalka Canada ayaa tilmaamay in Siyaasada ay ku dhaqmeyso dowlada Somalia ay xiligan tahay mid ebar ah una baahan in hadda iyo bilow lasoo dhiso.

Nuqul kamid ahaa khudbadiis ayaa aheyd  “Siyaasadda Arrimaha Dibadda waxay noqotay habeen guur meel loo raaco lama yaqaan, waxaa luminay saaxibkii iyo walaalkii ugu weynaa ee ay Soomaaliya laheyd dalka Jabuuti”

Waxa uu intaa raaciyay C/raxmaan C/shakuur “Anagoo waxba ku bedelan, maalin hore warqad ayay dowladda soo saartay oo ay ku taageereyso Sacuudiga oo ay dowladda Canada is khilaafeen, maalin dhexdaas Sacuudiga oo wafdi Somalia ay tageen waxay ka codsadeen inay la saftaan oo aanay Qadar la safan”

Waxa uu intaa raaciyay “Waxaa is weydiin leh xaggee dowladda loo raacaa, haddii walaaltinimo la isku taageerayo oo la leeyahay Sacuudiga walaaltinimo lagu taageeray Jabuuti ayaa mudneyd, haddii dan la isku taageerayana maalintii Sacuudiga danta naga rabay ayaa mudneyd”

C/raxmaan C/shakuur, oo inta badan hanaan aan wanaagsaneyn u dhaliila dowlada Somalia aya sheegay in Somalia ay weli ku jirto marxalad kala guur ah, balse aysan garan madaxda Soomaalida.

Sidoo kale, C/raxmaan C/shakuur waxa uu cadeeyay in Siyasada kala guurka ee dalka ka jirta looga bixi karo in marka hore Ciidamada Soomaaliya ay mas’uuliyadda amniga kala wareegaan Ciidamada AMISOM, taasna ugu horeyn looga bixi karo KMG Amniga.