Daawo: Ciidan ka kooban 3 qeyb oo howlgal culus ka fuliyey Muqdisho + Ujeedka

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howlgallo ay xalay ciidamada dowladda ka sameeyeen degmooyinka Hodan iyo Howlwadaag ee gobolka Banaadir.

Howlgallada oo ahaa kuwa culus, isla-markaana saacado badan qaatay ayaa waxaa sameeyay ciidamada Booliska iyo kuwa Nabad Sugidda oo sii kaashanaya ciidamada Boolis Milataaro oo haatan qayb ahaa amniga caasimada si toos ah loogu wareejiyay.

Ciidamada ayaa inta ay socdeen howlagallada guri guri u baarayayay xaafadaha qaar ee degmooyinkaaas, si u hubiyaan amniga xaafadaha Hodan iyo Howlwadaag.

Wararka ayaa sheegaya in inta uu socday howlgalka ciidamada ay kusoo qabteen dad badan, isla-markaana la’isugu geeyay hal goob, ayada oo kadib lasii daayay intooda badan, balse ciidamada ayaa watay laba kamid ah dadkaas oo lagu tuhmay inay yihiin Shabaab.

Taliyaha Qeybta Booliska ee Waliyow Cadde Gaashaanle Daa’uud Axmed Caraale oo howlgalladan hoggaaminayay ayaa la hadlay warbaahinta, wuxuuna sheegay in ujeedka uu aha amni xaqiijin, isla-markaana ay si wadi doonaan howlgallada ka socda caasimadda.

“Waxa dhibka idin ku hayo inaa sheegtaan, Garanwaaga guriga ku jira jira inaa sheegtaan, waxa aad ka shakisaan inaa sheegtaan oo ciidanka la kaashataan,” ayuu yiri Daa’uud.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay guddoomiyaha maamulka degmada Howlwagaag, Mudane Bashiir Cabdi Maxamed, wuxuuna farriin guud u diray shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan Muqdisho.

Guddoomiyaha ayaa shacabka ka dalbaday inay la shaqeeyaan ciidamada ammaanka ee dowladda Soomaaliya, si looga hortago falalka ammaan dari ee ka dhaca gudaha caasimada.

“Waxaan rabnaa annaga oo mideysan oo shacab, ciidan iyo dowladba leh inaan nimankaas ka wada hortagno” ayuu isna yiri guddoomiye Bashiir Cabdi Maxamed.

Howlgalladan ayaa qayb ka noqonayo dhaq-dhaqaaqyada dowladda Soomaaliya ka wado magaalada Muqdisho, kuwaas oo lagu xaqiijinayo amniga, burcadda iyo ciyaal-weerada.