Jubbaland oo war kasoo saartay heshiiska cusub ee DF Soomaaliya iyo Kenya

Kismaayo (Caasimada Onine) – Madaxweynaha Dowlad-goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa soo dhaweeyay heshiiska ay Isniintii gaareen dowladda federaalka Soomaaliya iyo Kenya, kaasi oo dhigaya “dib u furista xuduudka dalkeennu uu la wadaago waddanka Kenya.”

Axmed Madoobe ayaa wuxuu ugu baaqay bulshada reer Jubbaland ee ku nool deegaanada xuduudka ah inay ku gacansiiyaan hay’adaha amniga ilaalinta nabad-galyada xuduudka, iyada oo si wadajir ah looga faa’iidaysanayo furitaanka xuduudka oo ahmiyad weyn oo dhaqaale u leh labada shacab.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa sidoo kale waxa uga mahad-celiyay dowladda federaalka ah iyo dowladda Kenya heshiiska miro dhalka ah ee ay ka gaareen furitaanka xuduudkan.

“Furida Xuduudkan oo xiraa inta badan sanadahii lasoo dhaafay ayaa muhiim u ah isku socodka bulshada labada dhinac gaar ahaan dhinacyada hormarka ganacsiga, is dhaafsiga badeecooyinka kala duwan iyo wadaaga himilooyinka labada shacab ee dariska ah,” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Madaxtooyada Jubbaland.

Furitaanka xuduudka degmada Beled-xaawo ee gobolka Gedo iyo degmada Mandhera ee “Mandheera County” ayaa qorshuhu yahay in la furo mudo 30 maalmood ah kadib.

Sidoo kale, xuduudka dhinaca degmooyinka Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose iyo Libooyo oo ka tirsan “Garissa County” ayaa iyaguna la furi doona 60 maalmood kadib.

Halka xuduudka deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubada Hoose iyo Deegaanka Kiunga ee “Lamu County” la furi doono muddo ku siman 90 maalmood kadib.

Si kastaba, Xuduuda labada waddan ayaa mudo dheer xirnaa, taasi oo dhibaato badan ku qabeen ganacsatada iyo bulshada walaalaha ah ee labada dhinac.