Hanti-dhowrka Qaranka oo shaaciyey masuuliyiin ka tirsan DF oo il gooni ah lagu hayo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka ayaa soo saaray digniin cusub oo ku socota masuuliyiinta dowladda federaalka Soomaaliya.

Wargelin uu soo saaray Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka oo ku socota masuuliyiinta dowladda ayaa waxa uu kaga dalbaday in marka shaqada ka tagayaan ay hantida gacantooda ku jirta ay si rasmi ah ugu wareejiyaan hay’addaha asal ahaan u leh.

“Xafiiska Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka waxa uu ku wargelinayaa dhamaan masuuliyiinta u shaqeeya hay’addaha dowladda ee si ay u gutaan waajibkooda loogu dhiibo gaadiidka ama hanti kale in marka ay ka tagayaan shaqada oo ay hawshooda dhamaato ay hantida gacantooda ku jirta si rasmi ah ugu wareejiyaan hay’adda asal ahaan u leh,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Hanti-dhawrka Guud ee Qaranka.

Sidoo kale waxa uu hay’addaha dowladda ku wargeliyay in laga doonayo in ay magaca hay’adda ku diiwaan-galiyaan hantida iyo gaadiidka oo aan lagu diiwaangelin magac qof gaar ah.

Hanti-dhawrka ayaa hore u shaaciyay inay jiraan masuuliyiin dowladda horay xilal uga soo qabtay oo gaadiid ay dowladdu leedahay uu ku maqan yahay, kuwaas oo “il gooni ah lagu hayo.”

Sidoo kale waxa uu faray masuuliyiintii hay’adaha dowladda ee weli la maqan gaadiid ay leeyihiin hey’aduhu inay dib u soo celiyaan sida ugu dhaqsaha badan, “waa in dhammaan muwaadiniinta kale ee gacanta ku haya gaadiid dadwayne ay dib ugu celiyaan hay’adaha dowladeed ee iska leh.”

Hanti-dhowrka Guud ee Qaranka ayaa muddooyinkii dambe waday dadaalo dib loogu soo celinayo gaadiidka ka maqan hay’addaha dowladda federaalka Soomaaliya, iyada oo maalmo kahor uu ku guuleystay inuu dib usoo celiyo 10 gaari oo markii hore sifo sharci darro ah uga maqna hay’addaha dowladda.

Si kastaba, arrimahan ayaa imanaya, iyada oo Hanti-dhawrka guud uu ka digay in hantida guurtada iyo ma-guurtada ee dowladda uusan jirin shakhsi ama cid shakhsiyad qaanuuneed leh oo si gaar ah u yeelan karta ama u haysan karta, islamarkaana hantida Qaranka aan loo isticmaali karin wax ka baxsan danta guud.