Maxaa ka jira in wiilka FAROOLE uu ka dambeeyay dagaalkii Garoowe?

Garoowe (Caasimasa Online) – Khadar Cabdiraxmaan Faroole oo ah wiil uu dhalay madaxweynihii hore ee Puntland, sidoo kalena hadda ah la-taliyaha madaxweyne Xasan Sheekh ee arrimaha dhaqaalaha ayaa ka hadlay dagaalkii maalin ka hor ka dhacay agagaarka garoonka diyaaradaha Garoowe.

Khadar ayaa marka hore u jawaabay wasiirka arrimaha gudaha Puntland, Cabdi Faarax Saciid (Juxa) oo shalay ku eedeeyay inuu isagu ka dambeeyay weerarka oo lagu qaaday ciidamo waday agabka doorashadaPuntland, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac.

“Ergeyga Xasan Sheekh Maxamuud ee arimaha dhaqaalaha Khadar Cabdiraxmaan Faroole ayaa abaabulay weerarkii xalay lagu qaaday sanaaduuqda doorashada, qiyaamihii Xasan Sheekh uu sheegayey wuxuu ahaa mid isagu uu abaabulayo,” ayuu yiri wasiir Juxa.

Wiilka Faroole, ahna haatan la-taliyaha madaxweynaha Soomaaliya ee arrimaha dhaqaalaha ayaa dhankiisa iska fogeeyay eedeynta culus ee loo jeediyay, wuxuuna tilmaamay in shaqadiisa ay tahay nabad.

“Anigu waxaan ahay ergayga madaxweynaha ee beeyac mushtarka iyo dhaqaalaha xafiiska aan ergayga u ahay waa xafiis shaqadiisu tahay xasilooni iyo nabad, marka ma garanayo meel aan isaga nimaano xasilooni darro,” ayuu jawaabtiisa ku  yiri Khadar C/raxmaan Faroole.

Sidoo kale waxa uu intaasi kusii daray in wasiirka arrimaha gudaha Puntland uu u gefay madaxweynaha Soomaaliya, isaga oo carabka ku dhuftay in aan lagu eedeyn karin dagaalka.

“Madaxweyne Xasan Sheekh laguma eedeyn karo muxuu uga hadlay arrimaha Puntland? waa madaxweynihii Somalia.” ayuu raaciyay.

Dagaalkan ayaa kusoo aaday, kaddib markii siyaasiyiinta mucaaradka Puntland ay soo saareen bayaan ka dhan ah doorashada, kuna dhaliileen madaxweyne Saciid Cabdullahi Deni.

Madasha Siyaasadda Puntland ayaa shaaca ka qaaday in qaabka loo wado doorashada ay horseedayso xasilooni darro, ayaga oo dhaliil xoogan u jeediyay hoggaanka Puntland.

Si kastaba, doorashada goleyaasha deegaanka ee dowlad goboleedka Puntland oo qof iyo cod ayaa loo ballansan yahay 25 ka bishaan May ee 2023-ka, waxaase sii xoogeysanaya khilaafka ka dhashay doorashadan oo hadda sababay dagaal u dhexeeyo labada dhinac.