Daawo: Ciidanka ATMIS oo dhalinyaro dilay iyo kacdoon shacab oo ka dhashay

Ceelasha Biyaha (Caasimada Online) – Shacabka degaanka Ceelasha Biyaha duleedka magaalada Muqdisho ayaa galabta ku banana-baxay kolonyo gaadiid ah oo ciidanka ATMIS ay wateen, kuwaas oo dilay laba wiil oo dhalinyaro ah.

Baraha bulshada ayaa aad loogu faafiyey muuqaal muujinaya dad shacabka ooh or istaagay ciidanka ATMIS, isla markaana tuuryeynaya, kadib markii ay ciidanka ATMIS gaadiidkooda jiirsiiyeen laba wiil oo dhalinyaro ah.

Labada wiil ee gaadiidka AMISOM ay dileen ayaa deegaanaa Ceelasha Biyaha, waxaana dhaawac u dhintay mid gooabah caafimaadka loola cararay, halka wiilkii kale uu goobta ku geeriyooday.

Cabdiraxmaan Faarax Fiidow oo ahaa wiil ganacsade ah ayaa magaciisa laga xusay dhalinyaradaas labada ah ee galabta ay dileen ciidanka ATMIS, wuxuuna Cabdiraxmaan goob ganacsi ku lahaa deegaanka.

Ciidanka oo goobta ka baxsa raba ayaa waxaa hor-istaagay dadka shacabka ah, iyagoo ku banana-baxay, dhagaxna la dhacay gaadiidka ciidanka wiilasha jiiray ee ATMIS, waxaana la sheegay in goor dambe ay ku soo baxeen ciidamo boolis ah.

Wiilashaan ayaa gaadiidka la jiirsiiyey xilli ay dhinaca kale u goynayeen laamiga isku xira Muqdisho iyo Afgooye ee dhex-mara degaanka Ceelasha Biyaha.

Hoos ka daawo warbixin