Daawo: COLDOON oo lasii daayey, kuna dhowaaqay go’aan ah…

Hargeysa (Caasimada Online) – Wariye Cabdimaalik Muuse Coldoon ayaa maanta dib u helay xorriyadiisa, kaaso oo muddo ku dhow 45 cisho u xirnaa maamulka Somaliland.

Coldoon ayaa waxaa loo xiray arrimo la xiriira heshiiska badda ee Somaliland iyo Itoobiya, kadib markii uu ka hadlay heshiiskaas oo uu si weyn uga soo horjeestay, kuna tilmaamay sharci darro.

Wariyaha oo la hadlay warbaahinta ayaa ugu horreyntii u mahadceliyay dadkii ka qayb qaatay soo deyntiisa, maadaama uu dib u helay xorriyadiisa.

Waxaa kale oo uu u mahadceliyay hay’adda sirdoonka Somaliland oo uu tilmaamay inay si wanaagsan ula dhaqantay mudaddii u uku xirnaa xabsiga.

“Waxaa u mahadcelinayaa hay’adda sirdoonka macaamiilka wanaagsanaa muddadii aan la joogay, inkastoo xarigu uu sidiisaba xanuun leeyahay” ayuu yiri Wariye Coldoon.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan kaloo u mahadcelinayaa maxkamaddii maanta isoo deysay, maadaama ay garatay xorriyaddii aan xaqa u lahaa inay isiiso ee la’iiga qaaday”.

Dhanka kale, Cabdimaalik Muuse Codleen ayaa ku adkeystay go’aankiisa ah in uusan ka aamusi doonin arrimaha Somaliland, wuxuuna sheegay inuu mar kasta ka hadli doono wixii xaq ah.

“Walaalow xaqa iyo ka hadlidiisa hoos u dhig malaha waxaa weeye waxaan nahay ummada Ilaahey ku amaanay wanaaga is farto, xumaantana reebta” ayuu yiri Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in wixii faahfaahin ah oo ku saabsan xariggiisa iyo wixii uu kala kulmay xasbiga uu dib ka faahfaahin doono.

“Wixii dambe ee faah-faahin ah waxaan ka dhiganaya gadaal” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay.

Coldoon ayaa waxaa marar badan xirtay Somaliland, waxaana ku dhacay xukuno kala duwan oo xabsi ah, marar kale in la’iska xiray ayaa haddane dib loo soo daayay.