Daawo: DAD ajaaniib ah oo lagu xukumay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa xukuno xabsi ah ku riday labo nin oo mid yahay ajaanibi u dhashay dalka Tanzania, midna heysto dhalashada wadanka Sweden, asalkiisuna yahay Soomaali.

Ninka u dhashay Tanzania oo dalka ka soo galay xuduuda Kenya ayaa mudo dheer ka tirsanaa Al-Shabaab, waxaana la qabtay xilli uu ku howlanaa siduu ugu biiri lahaa kooxda Daacish.

Ninkaan ayaa ku tababartay gudaha Soomaaliya, wuxuuna hadda ka hor ku dhaawacmay dagaal ay Al-Shabaab ku qaadeen degaanka Bariire ee gobolka Shabeellada Hoose.

Waa 40 sano jir u dhashay Tanzania, gudaha Al-Shabaab waxaa looga yaqaanay Abuu Zubeyr, waxaana si farsameysan u soo qabtay sirdoonka Soomaali, xilli uu qorsheynayey inuu isku dhiibo kooxda kale ee Daacish, isagoo ku sugan degmada Jilib.

Xiriirkii uu la sameeyey Daacish ayuu dhex u galay sirdoonka Soomaaliya, sidaas ayaana lagu hor geeyey maxakamadda ciidamada oo maanta ku xukuntay xabsi ‘daa’in’ ama madaxaa haku furto.

Sidoo kale Cabdiraxmaan Nuur Yuufus (Xiis) oo asalkiisu yahay Soomaali heysta dhalashada dalka Sweden ayaa la xukumay maanta, ninkaan ayaa Soomaaliya soo galay sanadkii 2019-kii, si Al-Shabaab uu uga barbar dagaalamo.

Xiis, oo Al-Shabaab u soo iibiyey qalab ay u adeegsadeen weerarkii Manda Bay ee gudaha Kenya, ayuu sanadkii hore sirdoonka Soomaaliya ka soo qabtay degaanka Kuunyabarrow ee koonfurta Soomaaliya.

Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur Shuute oo soo saaray xukunka Maxkamadda ayaa Cabdiraxmaan Nuur Yuufus (Xiis) ku xukumay 15 sano oo xabsi ah.

Hoos ka daawo

https://youtu.be/2SsZcCPo6cA?t=1