Cumar Filish: Ciyaal weerada waxay ka dhasheen duulaan-kii mucaaradka + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Filish oo marti ku ahaa barnaamij uu qabtay TV-ga Universal ayaa sheegay in ciyaal weerarada Muqdisho dadka ku dhibaateeya ay ka dhasheen ciidankii Badbaado Qaran ee dowladdii Farmaajo la dagaalamay.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in wax kasta ay sabab leeyihiin, isagoo sababta keentay in ciyaal weero ka dilaacdo Muqdisho u tiiriyey qalalaasihii siyaasadeed ee magaaladu ay gashay bilihii ay socotay doorashadu.

“Ciyaal weeradu waa caqab na heysata, wax kastana waxay ku yimaadiin sabab, magaaladaan Muqdisho waxaa ka dhacay dagaallo siyaasadeed, mucaaradkii ayaa hub qaatay oo soo weeraray dowladii xiligaas joogtay,” ayuu yiri Cumar Filish.

Sidoo kale duqa Muqdisho wuxuu sheegay in markii ay Muqdisho gashay qalalaasaha siyaasadeed, la saadaali karay in raadad xun ay ka dhalan karaan tallaabooyinkii ay mucaaradku qaadeen.

“Raadkii ay rabshadahaasi reebeen, qeyb ka mid ah ayaan wajaheynaa, hadda sidii hore waa la dhamaa, hey’adaha ammaanka ayaa la tacaalay oo wax badan ku guuleystay,” ayuu hadalkiisa ku sii daray duqa Muqdisho.

Sidoo kale wuxuu sheegay in weli aan guul laga gaarin howlgallada looga hor tegayo burcada iyo ciyaal weerada, “Waa jiraan caqabado kale oo fool xun oo ka dhashay wixii ka dhacay magaalada, sida burbur soo gaaray magaalada,” ayuu yiri.

Wuxuu guddoomiyuhu intaas ku sii daray, in markii uu mucaaradku hubka qaatay ay ka maamul ahaan iyo dowladda dhexaba ku sii jeedeen dagaalka Al-Shabaab, sida uu hadalkiisa u dhigay.

“Nooma qorsheysneyn, ciidan hubeysan iyo madaafiic in magaalada dhexdeeda la isla dhici doono, waxaana ka dhashay burcad iyo gaangis mar hore magaaladaan laga nadiifiyey,” ayuu yiri.

Ugu dambeyntii guddoomiye Cumar Filish wuxuu sheegay in hadda la xaliyey qalalaasihii siyaasadeed oo dalka ay doorasho ka dhacday, isla markaana lala tacaalayo sidii loo ciribtiri lahaa burcadda iyo ciyaal weerada.

Hoos ka daawo