Daawo: Madaxweyne Xasan oo gaaray Uganda iyo inta maalmood ee uu joogi doono

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Kampala ee caasimada dalka Uganda, halkaasi oo booqasho rasmi ah uga bilaabatay.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa si diiran garoonka diyaaradaha calaamiga ah ee Entebbe ugu soo dhaweeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Uganda Mudane Odongo Jeje Abubakhar.

Madaxweynaha ayaa salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan Ciidamada Qalabka Sida ee dalkaas, halka kooxo ciyaar dhaqameed ah ay bandhig-dhaqameed ku maamuuseen booqashada Madaxweynaha iyo wafdigiisa.

Sida uu qorshuhu yahay madaxweyn Xasan ayaa booqashadiisa Uganda qaadan doonta saddex maalmood, wuxuuna wada-hadalo ku qotoma xoojinta iyo horumarinta xiriirka labada dowladood iyo sare u qaadidda iskaashiga la qaadan doona dhiggiisa dalkaas, Mudane Yoweri Museveni.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa inta uu ku sugan yahay dalkaas ayaa ka qeyb-geli doona madasha dhaqaalaha Soomaaliya iyo Uganda oo dalkaas ka furmi doonta, iyadoo ganacsatada iyo khubarada dhaqaale ee labada dal ay gorfeyn doonaan iskaashiga ganacsiga, maalgashiga iyo kobaca wax soo-saarka.

Booqashada madaxweynaha ee dalka Uganda oo ah mid rasmi ah ayaa ku timid casuumaad uu ka helay dhiggiisa dalkaas, Mudane Yoweri Museveni.

Uganda ayaa noqotay dalkii 8-aad ee uu booqdo madaxweyne Xasan Sheekh tan iyo markii la doortay 15 May kadib Imaaraadka, Turkiga, Eritrea, Kenya, Jabuuti, Tanzania iyo Masar.