Daawo: Dadka Kirishtanka ku faafinaya deegaanada Soomaalida oo sii kordhaya

Hargeysa (Caasimada Online) – Xukuumadda Somaliland ayaa maanta shaacisay in howl-galo ay sameeyen maalmihii u dambeeyay ay gacanta ugu soo dhigeen rag ay sheegen inay diinta Kiristaanka ku faafinayeen gudaha Somaliland.

Howl-galadaasi ayaa waxa lagu soo qabtay labo ruux oo deegaanada Somaliland ku dhex faafinayay diintaasi, sida uu sheegay Afhayeenka cidanka booliska Somaliland.

Gaashaanle Sare Feysal Xiis Cilmi, Afhayeenka ciidanka booliska Somaliland ayaa sheegay in labadaasi ruux loo gudbiyey maxkamdda si loo marsiiyo sharciga, maadama ay fidneynayeen bulshada.

Waxa kale oo uu sheegay in labada qof ee ay soo qabteen ahaayeen dad ka baxay diinta Islaamka, isla markaana ay yihiin dad si fiican u yaqana Qur’aanka kariimka iyo culuumta kale ee Diinta.

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyey inaysan marnaba aqbaleyn in bulshadooda lagu dhex faafiyo diinta Kiristaanka, cidii falkaasi ku kacdana ay la tiigsan doonaan sharciga.

Ugu dambeyntiina wuxuu ugu baaqay bulshada reer Somaliland inay ka digtoonadan arrimahaasi noocaasi ah, iyaga oo ciidamada booliska lasoo wadaagaya dadka waxaasi faafinaya.

Deegaanada Somaliland ayaa waxa muddooyinkii dambe kusoo badanayey dadka isku dayaya inay ku dhex faafiyaan diinta Kiristaanka, inkasta oo xukuumaddu si adag uga digto.

HALKAAN KA DAAWO: