Ciidamada Azerbaijan oo qarka u saaran caasimada gooni u goosatada Armenia

Baku (Caasimada Online) – Dagaalka u dhaxeeya ciidamada Armenia iyo Azerbaijan ayaa maanta kasii xoogeystay gobolka la isku haysto ee Nagorno-Karabakh, ayada oo ay sii kordheyso cabsida la xiriirta khasaaraha dadka rayidka ah, kadib markii dhinacyada ay billaabeen inay madaafiic ku garaacaan magaalooyin waa weyn.

Gooni u goosatada gobolka Karabakh ee Azerbaijan balse asal ahaan kasoo jeeda Armenia, ayaa qirtay in dagaalka uu ka socdo forumaha magaalada caasimad goboleedka ah ee Stepanakert, halkaasi oo madaafiic culus lagu garaacayo.

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Azerbaijan ay kusii saqayaan magaaladan muhiimka ah, lagana yaabo inay galaan.

Sidoo kale, shalay ayey ahayd markii madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev uu sheegay in ciidamadiisa “ay calankooda ka taageen” magaalada istiraatiijiga ah ee Madagiz ayna qabsadeen tuulooyin dhowr ah.

Wasaaradda gaashaandhigga Azerbaijan ayaa sheegtay in ciidamada Armenia ay madaafiic ku garacaayaan dhowr magaalo, oo ay ka mid tahay magaalada labaad ee dalkaas ugu weyn ee Ganja, taasi oo markii ugu horreysay la garaacay Axaddii.

Madaafiicda sii kordhaya ee lagu garaacayo magaalooyinka waa weyn ayaa kordhiyey cabsida laga qabo inuu sii kordho khasaaraha dhimashada dagaalka, oo mar horeba ay ku dhinteen 250 qof.

Dagaalka oo billowday Sabtidii 27-ka September, ayaan weli labada dhinac aysan muujineyn wax astaamo ah oo ay ku doonayaan xabad-joojinta ay ku baaqayaan xubnaha beesha caalamka.

Madaxweynaha Azerbaijan Ilham Aliyev ayaa Axadii ka dalbaday Armenia inay waqti u qabato inay ka baxeyso dhulalka Azerbaijan, haddii aan taas la helin aanu dagaalku marnaba joogsan doonin.