Xog: Qof maxbuus ku ah Xabsiga Dhexe oo maanta geeriyooday iyo sababta

Muqdisho (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah saraakiisha ciidanka Asluubta Soomaaliyeed ee ku sugan gudaha Xabsiga dhexe ee Xamar ayaa goordhow sheegay in uu geeriyooday mid ka mid ah Maxaabiistii ku xirneed gudaha Xabsiga dhexe.

Saraakiisha aan la hadalnay ayaa noo sheegay in Maxbuuskaan uu ku eedeesnaa dil loo geestay qof shacab ah waxa uuna ka tirsanaa ciidanka Soomaaliya.

Maxbuuska dhintay ayaa magaciisa lagu soo koobay Cabdullahi, waxaana la sheegay in uu maalmihii la soo dhaafay wajahayay xaalado caafimaad darro oo sababay in maanta ku geeriyoodo Isbitaalka Martiina ee Muqdisho.

Saraakiisha aan la hadalnay ayaa sheegay in Maxbuuskan uu wajahay xaalado daryeel xumo, kuwaas oo sababay in ugu dambeyn u geeriyoodo waxaana wali ka hadlin taliska Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Waa qofkii 3-aad oo maxbuus islamarkaana ku xiran Xabsiga dhexe ee geeriyooda, kuwaas oo la sheegay in dhamaantoodba ay u dhinteen daryeel la’aan iyo dayac ku heysata gudaha Xabsiga.

Sidoo kale weerarkii ka dhacay Xabsiga ayaa waxaa ku dhintay ku dhowaad 20 qof, kuwaas oo qey ka noqonaya dadka xabsiga ku dhintay sanadkaan.

Qaar kamid ah maxaabiista Xabsiga dhexe oo la hadlay Caasimada Online ayaa sheegay in xaalado adag ay ka jiraan gudaha Xabsiga waxaana sii adkaatay nolasha maxaabiista tan iyo weerarkii Xabsiga Dhexe.