Xog: Ujeedka safarka Saciid Deni ee Imaaraadka Carabta

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa caasimada dalka Nairobi ayaa uga sii gudbay magaalada Dubai ee waddanka Imaaraatka Carabta.

Safarka Deni ee Dubia ayaa waxa ka soo baxaya xogo ku saabsan socdaalkiisa iyo kulamo uu ku leeyahay wadankaasi.

Deni ayaa lagu wadaa inuu Dubai kula kulmo mas’uuliyiinta u sareysa Shirkadda DP World oo gacanta ku haysa maamulka dekedda Boosaaso ee maamulka Puntland, kuwaasi oo uu kala hadli doono arrinta Dekedda oo muddooyinkii dambe aysan wax shaqo ah ka qaban, isla markaana ay ciid buux dhaafisay.

DP World ayaa sida la ogyahay waxay Dekedda Boosaaso kula wareegtay heshiis la saxiixay saddex sanno ka hor (6-dii April 2017), kaasi oo uu meel mariyey baarlamaanka Puntland.

Heshiiskaasi oo uu qalinku ku duugay madaxweynihii ka horeeyay, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo Madaxa Shirkadda DP World Suldaan Axmed Bin Suleyman, ayaa mudadiisu dhameyd 30 sanno.

Wuxuu heshiiskaasi dhigayay in shirkada DP World ay dekedasi ku maalgeliso lacag dhan $336 Milyan, kaasi oo qeyb ka ahaa qorshe xiligaas loogu talo-galay in dekedda lagu balaadhiyo 450-mitir.

Dekedda Boosaaso ayaa wax shaqo ah laga qaban tan iyo markii heshiiskaasi uu dhaqan galay, isla markaana lagu waday inuu wajigiisa koowaad dhamaado badhtanka bishii hore ee 2019-ka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, safarka Deni ayaa ku qotoma dardar gelinta heshiiskaasi fadhiidka noqday, xili bilowgii sanadkii hore Boosaaso lagu khaarajiyay Sarkaal ka tirsan Shirkada DP World.

Waxaana xusid mudan in Deni uu safar ku tagay Dubai badhtankii sanadkii hore, iyada oo aysan ilaa hadda waxba ka fulin heshiiskii xukuumadii Gaas la gashay DP World.

Si dhab ahna uma cada in safarka madaxweynaha Puntland ku tagay Imaaraadka uu wax ka badeli doono mowqifka mas’uuliyiinta DP World oo u muuqda gebi ahaanba kuwo iska xooray heshiiskii ay kula wareegen dekedda Boosaaso.