CC Shakuur oo faah-faahin ka bixiyey laba kulan oo aan horey loo ogeyn ‘oo uu la yeeshay’ Farmaajo (Daawo)

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, oo ah hogaamiyaha xisbiga mucaaridka ah ee Wadajir ayaa markii u horeysay faah-faahin dheeriya ka bixiyey kulamo uu sheegay inay dhex-mareen isaga iyo madaxweyne Farmaajo.

Cabdiraxmaan oo wareysi gaar ah siiyey Dalsan TV ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo ay kulan yeeshen labo mar oo keliya, tan iyo markii loo doortay xilka madaxtinimada dalka.

Wuxuu xusay in labadaasi kulan ay dhaceen kadib markii madaxweyne Farmaajo loo doortay xilka uu hadda hayo, gaar ahaan gudihii bishii Febraayo ee sanadkii 2017-kii.

Kulanka koowaad ee Cabdiraxmaan iyo Farmaajo ayaa ka dhacay huteelka Jazeera, kaasi oo ku yimid martiqaad uu ufidiyey madaxweynuhu, isla markaana ku qotomay hambalyo iyo talo siin, sida uu sheegay.

“Waxaan ku iri madaxweyne dadka Soomaaliyeed aad ayay u dabaal dageen oo aad ayay ku soo dhaweeyeen; doorashadaada waxay abuurtay rajo ka weyn tabartaada ama dowlada Soomaaliyeed tabarteeda waxa ugu weynoo aan kugu talinayo waxay tahay inaad hoos u dhigto filashada dadka ay qabaan,” ayuu yiri Cabdiraxmaan Cabdishakuur.

Wuxuu intaas kusii daray “Wuxuu i waydiiyey ‘sideen uga dhigaa?’, Waxaa ku iri dadka la hadal ugana mahad celi soo dhaweynta waxaad u sheegtaa filashada ay qabaan oo ah ‘inaad xalineyso mushkiladaha dalka yaalo iyo awooda dowladnimada Soomaaliya taalo in aysan isku dhigmin’ oo sharax inaad dedaaleyso inta aan qaban karto u sheeg dadka si ayu dhimaan rajada iyo filashada ay qabaantaas ma yeelin ee diyaaradihii waxaa la sii kiciyey rajada.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in kulankoodii labaad uu yimid markii uu madaxweyne Farmaajo uu baadi-goobayey ra’iisal wasaarihiisii u horeeyay ee la shaqeyn lahaa, kaasi oo ka dhacay madaxtooyada.

“Waxaan ka badneyn 30-daqiiqo ayaan sheekeysanay horeyna waan isku-naqaanay iskuma aanan cusbeyn. Marka madaxweynaha wuxuu ii sheegay in ra’iisul wasaaraha wax calaf ah tahay” ayuu yiri, maadam uu sheegay in dad ka ag dhawaa xiligaa Farmaajo ay isaga u arkayeen shaqsiga ku munaasibka ah xilkaas.

Wuxuu intaas ku daray in madaxweynuhu uu xiligaas u sheegay inuusan fileyn in xilka dalka u sareeya loo dooranayo, isagoona xusay inuu isku haleynayay tiro yar oo xildhibaano ah, sida uu sheegay.

“Waxyaabaha uu ii sheegay waxaa kamid ah oo calafka ah in isaga naftiisa uusan fileyn in la dooran doono oo uu isku haleynaayey kaliya 30-xildhibaano codadkooda.”

Cabdiraxmaan iyo Farmaajo ayaa isku dhawaa xiligii lagu jiray tartankii madaxtinimada ee uu ku soo baxay madaxweynuhu, xiligaasi oo ay u mideysnaayeen sidii booska uga tuuri lahaayeen Xasan Sheekh Maxamuud, wallow oo xiligan uu si weyn u mucaarido Warsame.

Caasimada Online ma xaqiijin karto xogta Cabdiraxmaan ee la kulanka Farmaajo. Villa Somalia oo aan wax ka weydiinay arrintan waa ay ka gaabsadeen inay ka hadlaan.

Hoos ka daawo wareysiga