Maxaa looga cabsi qabaa in Itoobiya ay kala go’do?

Dowlad-deegaanka Tigray ee dalka Itoobiya ayaa ku hanjabtay inaysan qaadan doonin amarka dowladda federaalka, laga bilaabo maanta oo ay ku ekeyd xilliga dowladda Ra`iisul Wasaare Abiy Axmed, balse waqti loogu daray sababo la xiriira dib u dhac ku yimid doorashada.

Hanjabaaddaas ayaa xiisad siyaasadeed ka abuurtay gudaha dalkaas.

Guddoomiyaha aqalka baarlamaanka Itoobiya Adem Farah ayaa Jimcihii sheegay in dowladdu ay u bannaan tahay qaabab kala duwan oo ay ula macaamili karto xiisadda gobolka Tigray, kuwaas oo ay ka mid yihiin inay xilka ka qaaddo xubnaha sare ee gobolka sidoo kalena ay ciidamo u dirto.

Madaxweynaha Itoobiya ayaa la filayaa inay maanta khudbad u jeediso baarlamaanka.

Dhanka kale, ismaamulka Tigray ayaa warqad u qoray beesha caalamka taas oo uu kaga dalbanayo inay dowladda federaalka cadaadis ku saaraan oggolaanshaha baaqa nabadda ee ka soo yeeray Isbahaysiga Xoogagga Fedaraaliga ah ee Itoobiya, isla markaana ay dalka ka hor istaagaan inuu burburo.

Dhawaan ayay ahayad markii deegaanka Tigreega laga qabtay doorasho ay sharci daro ku tilmaamtay dowladda dhexe ee Itoobiya.

Hase yeeshee, maamulka Tigreega ayaa ka dhagafureystay digniinaha iyo farriimaha uga imanaya Aqalka Sare, Guddiga doorashooyinka qaranka iyo dowladda dhexe ee dalkaasi Itoobiya intaba.

Doorashada guud ee dalkaasi Itoobiya ka dhici lahayd bishan September 2020, ayaa dib loo dhigay sababa la xiriira cudurka safmarka ee Coronavirus iyada oo labada aqal ee dalkaasi ay cod buuxa ku ansixiyeen 9 bilood ilaa sanad in doorashada dib loo dhigo.

Falcelinta dowladda dhexe ee ka dhalatay doorashada deegaanka Tigreega

Xisbiga TPLF -oo gacanta ku hayay siyaasadda dalka Itoobiya muddo toboneeyo sano ah ayaa waxay ku hanjabeen in dhibaatada ay sii baahi doonto haddii dowladda dhexe ay isku daydo inay faragaliso.

Rai’sul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa doorashadaas ku tilmaamay mid sharci darro ah. Wuxuu sheegay in xisbiga TPLF ay haystaan waqti ay xafiiska ku sii joogaan kaasi oo ah go’aan ay gaareen aqalka sare ee baarlamaanka bishii June.

Mr Abiy ayaa sheegay in doorashadii ka dhacday aysan wax farqi ah ku keeni doonin go’aankii horey loo gaaray ee dib u dhigidda dorashada.

Waxa uu Ra’iisul Wasaaruhu sidoo kale carrabka ku adkeeyay in dowladiisa aysan tallaabo militari qaadi doonin .

“Doorashadu ma aha mid sharci ah sababto ah guddiga doorashada oo kali ah ayaa doorasho qaban kara,”waxaa uu sidaasi Dr Abiy ku sheegay wareysi uu siiyay xalay telefishinka qaranka Itoobiya.

Xisbiga TPLF iyo dowladda dhexe ayaa tan iyo intii uu xafiiska yimid Dr Abiy Axmed waxaa u dhaxeeyay muran xooggan.

“Sida uu dhigayo dastuurka dalka Itoobiya qodobkiisa 50-aad ee faahfaahinayo awoodda iyo waajibaadka dowladda federaalka inaan dastuurka difaacno waxkasta oo ka horimanayana aan ka hortagno diyaar ayaan u nahay” ayuu yiri.

“Si ka baxsan dastuurka dalka inuu deegaan si gaar ah doorasha iskii u qabsado maadaamaa ay ammaanka dalka iyo dadka ay waxyeello aad u weyn u geysaneyso dowladdu waxay ku qasban tahay iney qaaddo tallaabba kasta oo iskudayga noocasi looga hortagayo.”

“Xisbi kasta oo siyaasadeed oo doonaya inuu xukunka siyaasadeed uu qabto waa inuunan marin waddo dalka iyo dadka dhibaata u horseedeyso.”

‘Halkii aan rasaas u diri lahaa gobolka Tigreega, waxaan u dirayaa maaskaro’

Ma jirin wax qalalaase ah oo gobolka Tigreeda ka dhacay intii ay ka socotay doorashadii la qabtay ee aysan raalliga ka ahayn dowladda dhexe ee Itoobiya.

Dr Abiy Axmed ayaa ku adkeystay in uusan awood u adeegsan doonin waxa ka socda gobolkaas.

“Aniga waxaan rumeysanahay, in Itoobiya aysan dagaal u baahnayn, ka mid ma ahi dadka doorbidaya tallaabo militari. Halkii aan rasaas u diri lahaa gobolka Tigreega waxaan u dirayaa maaskaro, si ay isaga difaacaan fayraska corona.” Ayuu yidhi.

“Aniga waxaan rumeysanahay, in Itoobiya aysan dagaal u baahnayn, ka mid ma ahi dadka doorbidaya tallaabo militari,” ayuu intaa ku daray.

Tani iyo marka uu isbeddel ka dhacay dalka Itoobiya uu dalka Itoobiya majaraha u qabtay Dr Abiy Axmed waxaa sii badanayey khilaafka u dhaxeeya dowladda Federaalka ee Dowlad Deegaanka Tigreega, iyada oo uu deegaankaasi uu ku doodaya iney dowladda hadda ka arrimisa dalka Itoobiya ay nidaamki Federaalka ee lagu heshiiyey ay god ku sii rideyso.

“Gooni isutaag”

Xisbiga TPLF ee deegaanka Tigrey ayaa dhowr jeer ku hanjabay inay ka go’ayaan Itoobiya inteeda kale, iyagoo soo daliishada qoddob kamid ah dastuurka Itoobiya oo dhigaya “in shuruud la’an ay xaq u leeyihiin inay ismaamulaan oo ay kamid tahay gooni isu tag”.

“Waa inay jirtaa sinnaan dhanka qabaa’ilka, haddii kale waa in la ogaadaa in dadka Tigree-ga ay xaq u leyihiin inay go’aan,” sidaas waxaa ku goodiyay guddoomiye ku xigeenka gobolka Tigreega, ahna guddoomiyaha xisbiga TPLF.

Dadka indheer garadka ee kasoo jeedaa gobolka Tigree iyo mucaaradka ayaa sheegay in haddii lagu dhawaaqo gooni ustaag ay xaaladda uga sii dari karto oo ay “mussiibo noqon doonta”.

Xisbiga TPLF oo horay uga tirsanaa xisbigii EPRDF ayaa dalka Itoobiya maamulayay 27 sano, Way kala boodeen Abiy Axmed markii uu xilka qabtay , iyagoona markii dambe diiday in ay ku biiraan xisbiga cusub ee barwaaqada ee PP.

TPLF ayaa dowladda federaalka ku eedeysay inay hurinayaan dibadbaxyo ka dhacay gobolka Tigrey, waxayna intaa ku dareen in warbaahinta dowladda ay warar been abuur ah ka faafinayaan gobolka, si ay u kala qeybiyaan dowladda deegaanka Tigreyga iyo shacabka deegaankaas.