FILISH oo ku dhowaaqay qorshe cusub oo la xiriira dhagxaanta jidadka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa shaaciyey in ay wadaan qorshihii u dambeeyay ee lagu furi lahaa dhammaan jidadka xiran ee magalaada Muqdisho, xilli xalay xaafadaha qaar laga qaaday dhagaxdii lagu jaray wadooyinka.

Guddoomiye Cumar Filish ayaa sheegay in todobaadkan gudihiisa ay arintaan ku soo  gaba-gabeynayaan, sida uu balan qaaday.

Waxa uu xusay in horay sidaan oo kale uu balan-qaad u sameeyay, balse ay jireen duruufo amni oo u saamixi waayey inuu fuliyo balan-qaadkaas oo dhagaxda laga qaado wadooyinka xiran ee Muqdisho.

Sanad ka hor markii xilkaan loo magacaabay Cumar Filish, waxa uu sidaan oo kale u balan-qaaday in dhagaxda laga qaadi doono wadooyinka magaalada Muqdisho oo dhibato badan ay dadku ku qabaan. Balse dhawaan ayuu sanad guuradii koowaad ee xil-heyntiisa ka shaaciyay inuu ku guul-dareystay fulinta balan-qaadkaas.

Hadda waxa uu sheegay guddoomiyuhu inuu socdo qorshe lagu qaadayo dhagaxda ku go’an inta badan wadooyinka caasimadda, iyadoo ay garab socdaan qorsheyaal amni.

Hadalka guddoomiyaha gobolk Banaadir Cumr Filish ayaa ku soo adaya, iyadoo xalay qaar kamid ah iskoysyada Muqdisho laga sikiyay dhagaxdii tiilay in ka badan sanadkii la soo dhafay.

Isgoysyada ay dowladda Soomaaliya xalay dhagaxda ka qaaday waxaa kamid ah, KPP, Tarabuunka, Digfeer iyo qeybo ka tirsan degmada Wadajir, waxaana la geeyay goobo kale oo jid caddeyaal u badan.

Hoos ka dhageyso codka guddoomiyaha