DF oo soo saartay amar la xiriira lamaanayaasha isla aada hoteellada Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online)-Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka Baashe Yuusuf Axmed ayaa maanta amar dul dhigay dadka iska leh hoteellada magaalada Muqdisho, xilli uu xarigga ka jarayey waax cusub oo lagu kordhiyey xarunta dembi baarista booliska Soomaliya ee CID-da.

Guddoomiye Baashe ayaa sheegay in waxyaabo badan oo aan lagu aqoon dhaqanka Soomaaliyeed ay hadda dalka ku soo kordheen, isagoo laamaha amniga dowladda faray in ahmiyad weyn la siiyo la dagaalanka dunuubta.

“Waxaa lagama maarmaan ah in qorshe loo dejiyo habka hoteellada loo dego, hadaa dooneyso inaad Hotel degto, kaliya waxaa lagaaga baahanyahay inaad lacag bixiso, ceeb ka weyna ma jirto in dembiyada aan ka hadleyno ay hoteellada ka dhacaan, banaanka in dembi ka dhaco layaab malahan oo weligeed ayaa la arki jiray, laakiin Hotel Xamar ku yaalla oo aan garaneyno in la dhaho dembi noocaas ah ayaa ka dhacay, ceeb ka weyni ma jirto” ayuu yiri guddoomiye Baashe.

Isagoo hadalkiisa sii watay ayuu yiri  “Labo qof oo rag iyo dumar ah oo aan la xaqiijin inay is qabaan Hotel ma wada degi karaan. Hotelkii aan weydiin shahaadada Nikaaxa waxuu ka qeyb-qaadanayaa baahinta xumaanta iyo dhiira gelinta dunuubta.”

Guddoomiyaha Maxkamadda Sare ee dalka ayaa wasaaradda amniga gudaha, taliska booliska, wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta waxa uu faray inay iska kaashadaan dejinta qoshe qeexaya hoteellada qaabka loo dego.

Hoos ka Daawo