Hal arrin oo sababtay inuu istaago dhaq dhaqaaqii siyaasadeed ee dalka (Xog)

Muqdisho (Caasimada Online) – Tan iyo wixii ka dambeeyay 17-kii bishii 9-aad ee sanadkaan, markaas oo lagu dhawaaqay nuuca doorasho ee dalka ka qabsoomi karto iyo sida ay u dhici doonto, waxaa hoos u dhacay guud ahaan dhaq dhaqaaqii siyaasadeed ee dalka ka socday.

Siyaasiintii waa weynaa oo ay ku jiraan madaxdii hore ee dalka, hogaamiyaal xisbi, xildhibaano iyo masuuliyiin kale ayaa joojiyay dhamaan dhaq dhaqaaqyadii qeyla dhaanta ku dhisneed ay wadeen bilooyinkii la soo dhaafay.

Inkastoo uu socdo abaabul hoose iyo wada-tashiyo haddana waxaa meesha ka baxay cabsidii laga qabay muddo korarsi iyo doorasho boob ku dhisan oo ku saleysan qof iyo cod.

Siyaasiinta xil doonayaasha ah ayaa ku gaabsaday hal arrin oo ah in ay raadiyaan dhaqaalo iyo saaxiibo siyaasadeed adag oo garab siiyo markii ay u baahdaan. Is xulufeysi iyo abaabul ayaa ka socda Muqdisho iyo dalalka dariska ah iyo dhamaan daneeyaasha Arimaha Soomaaliya.

Waxaa siyaasiyiin badan ay tageen Nairobi ayaga oo taageero ka raadinaya ganacsatada ku beesha ah iyo dalalka Soomaaliya danta ka leh, gaar ahaan kuwa Carabta iyo Yurub.

Tartankaan oo u eg mid ka adag kuwii hore kana qarash badan ayaa abuuray in dhinacyadu ay garab ka raadiyaan beelaha, ganacsatada, siyaasiinta iyo wadamada taageera arimaha doorashada Soomaaliya si ay garab uga helaan.

Siyaasada ayaa la aaminsan yahay in ay sidaas usii dansanaan doonto ilaa doorasahda baarlamaanka waxaana socda abaabul kale oo si hoose uga socdo Muqdisho. Hoteelada Muqdisho ayaa laga dareemayaa mashquul badan iyo kulamo joogto ah oo ku aadan doorashada Soomaaliya.