Daawo: Dadkii ay AMISOM leysay oo saddex bil kadib maanta lagu aasay codsiga DF

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu aasay meydadka 7-dii qof ee 10-kii bishii Agoosto ay ciidamada AMISOM ku laayeen deegaanka Golweyn ee gobolka Shabeellada Hoose, kadib codsi ay dowladda Soomaaliya u gudbisay ehellada dadkii la dilay.

Meydadka todobadaas qof oo Juwaano lagu uruuriyey ayaa qaboojiye ku jiray in ka badan laba bilood iyo 20 cisho, waxaana maanta lagu aasay qabuuro ku yaalla duleedka magaalada Muqdisho.

Ehellada dadka maanta la aasay ayaa warbaahinta la hadlay waxayna sheegeen in dowladda Soomaaliya, gaar ahaa wasiirka amniga Cabduallahi Maxamed Nuur uu ka codsaday inay meydadka la’aaso, islamarkaana ay ka aqbaleen.

Sidoo kale ehellada waxay sheegeen in wasiirka amiga uu ka balan qaaday in mudo seddax maalmood gudahood ah uu jawaab cad ku soo siin doono, waxayna wacad ku mareen hadii 3-daas maalmood aan lagu soo jawaab celin, inay dagaalami doonaan oo AMISOM ay ka aar guda doonaan.

“Maalinkii dadkaan ay naga dishay AMISOM waxaa laga joogaa ku dhawaad 3 bilood, intaas xuquuqdii dadkaan ayaan raadineynay, waxay AMISOM noo sheegeen lix askari inay xiran yihiin, kuwaas oo maalinkii dadkaan la dilay ciidanka hoggaaminaayey, hadda meydadkii waan aasnay, waxaana ku aasnay codsi nooga yimid wasiirka amniga oo ka socday xukuumadeenna,” ayuu yiri mid ka mid ah ehelladii warbaahinta la hadlay.

Ehellada ayaa intaas ku sii daray, “Xukuumadda waxaan ka war sugeynaa mudo seddax maalmood ah, hadii maxkamad lasoo saari waayo ciidankii dilay dadkeena gobolka Shabeellada Hoose waxaan ka bilaabeynaa dibadbaxyo iyo dagaal ka dhan ah AMISOM.”

Sidoo kale qof ka mid ahaa ehelladii maanta hadlay ayaa yiri, “Nin walaalkaa dilay oo maalin kasta ku hormaya waa dareemi kartaan, in ka badan laba bilood waxaan barkaneyn meydadka walaalaheen, hadii seddax maalmood jawaab nala sii waayo, sheekadu intii hore waa ka sii cuslaa doontaa.”

Ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa ka socda Uganda ayaa hal goob ku laayey dadkaan oo dhamaantood rag ahaa, kadib markii ay kala soo baxeen beer ay ka shaqeynayeen oo ku taalla duleedka deegaanka Golweyn.

Ciidanka AMISOM oo ka careysnaa weerar jid gal ah oo Al-Shabaab ay kala kulmeen ayaa dadkaas markii ay dileen kadib waxay ku qarxiyeen miino, taas oo sababtay in meydadkooda la isku soo uruuriyo oo hal jawaan lagu shubo ‘hilbahooda’ todobadii qof ee la dilay.

Hoos ka daawo